March 16, 2007
Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Dhammaanba Duulimaadyadii Ka Imanaayey Dalka Soomaaliya Xanuunka Shubanka Oo Looga Cabsi Qabo Awgeed
Hargeysa (Harowo.com) March 16-07- Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Mudane Cali Maxamed Waran Cadde ayaa qoraal ogaysiin ah oo uu maanta xafiiskiisa ka soo saaray una kala diray diyaaradaha ka diiwan gashan hawada somaliland wuxuu ku sheegay in xukuumadiisu ay gebi ahaanba mamnuucday duulimaadyadii ka imanaayey magaalooyinka Soomaaliya oo dhan iyadoo wasiirku uu ku sababeeyey in cudurka shubanka ee loo yaqaano Kaloorahu uu ka dilaacay magaalooyinka boosaaso iyo Muqdisho.
"ka dib markii aanu hellay warka sheegaya in ugu yaraan 300 oo qof uu riday cudurka kalooraha ee shubanku magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee soomaaliya, isla markaana ilaa 15 ay u dhinteen, ka dib markii aanu ogaanay in 240 qof uu soo riday cudurka kaloorahu magaalooyinka Boosaso iyo Garoowe ee dhulka Majeerteeniya, waxaanu ku wergelinaynaa dhammaanba diyaaradaha ka hawl galla hawada Somaliland in maanta laga bilaabo aanay soo qaadi karin wax dad ah dhinaca dalka soomaaliya oo dhan ilaa amar danbe ay wasaaraddu ka soo bixinayso" ayuu wasiirka Duulista Hawada Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde ku yidhi qoraalkaasi.
Waa markii ugu horaysay ee ay xukuumadda somaliland gebi ahaanba joojisay ama xayirtay dadka ka soo dhoofa dhinaca soomaaliya ee ku yimaadda duulimaadyada iyadoo sida laga warqabana dhinaca gaadiidka dhulka dadka iskaga goosha goboladaasi ay aad uga badanyahiin kuwa ku soo dhoofa diyaaradaha lamana garan karo tallaabada kale ee ay xukuumadda somaliland ka qaadi karto dadka iyaguna ku soo galla dhinaca gaadiidka gawaadhida.
Amarkani ayaa wuxuu saamaynayaa dhammaanba shariikadaha diyaaradaha ee duulimaadyadoodu u kala bixi jireen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo dhammaanba gobolada dalka Soomaaliya.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Harowo.com, Hargeisa, somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






