March 9, 2007

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Hor-istaagay in Albaabada Loo Xidho Wergeyska Haatuf

Hargeisa (Harowo.com) March 9 -07- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hor istaagay in albaabada loo xidho wergeyska haatuf isla markaana joojiyey amar maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa dhawaan ku riday wergeyska Haatuf in ruqsadii lagala noqday.

Madaxweyne Ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa warar ku dhaw oo shabakadda Harowo.com heshay waxay tibaaxayaan inuu joojiyey qoraal waraaqeed oo ay maxkamadda gobolka Hargeysa usoo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha isla markaana lagu ogaysiinaayey isaga, wuxuuna sheegay in aanu isagu sinaba  qabin in albaabada loo laabo wergeyska Haatuf "Madaxweynaha ayaa kiiskani ku xidhna isagiina hadda wuu maqanyahay markaa intuu maqanyahay waxaa quman in aan gacan dhaaf kale loo yeelan wergeyska haatuf" ayuu u qoray Madaxweyne ku xigeenku taliyaha ciidanka Booliiska iyo weliba Wasaaradda arrimaha gudaha.
 
Warkani ayaa wuxuu tibaaxaya in uu hakiyey ciidan booliis ah oo loo diyaariyey in loo diro xarunta Wergeyska muddo laba maalmood ka hor waxaana wararku sheegayaan in khilaaf soo kala dhex gallay hadda madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno ku dhaw madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin wax war ah oo faah faahsani kama uu soo bixin labada dhinac midna, Madaxweyne Rayaale-na hadda wuxuu socdaal ku jooga xarunta waddanka Ghana ee Akra. 
 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com