February 21, 2007
Guddi Dhaqaale Uruurin ah oo la magacaabay Shaqaaqada ka aloosan Deegaanka Daroor
Hargeysa (Harowo.com)—Waxa maanta Huteel Hadhwanaag oo ku yaalla caasimadda hargeysa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen Mus’uuliyiin ka kala socday Beelaha walaalaha ee isku diriraya deegaanka Daroor iyo Mas’uuliyiin ka kala socday qaar ka mid ah beelaha kale ee dalka Somaliland.
Waxa kulankaasi lagu magacaabay Guddi ka kooban 15 Xubnood, oo loogu magac daray Guddida Dhaqaalaha Nabadaynta Daroor. Guddidan oo ka kala socda beelaha ay dirirtu ka dhaxayso ayaa waxa Guddoomiye looga dhigay C/Rashiid Haybe Dubad.
Waxa kale oo kulankaasi laga sheegay in sababta Guddida loo aasaasay tahay iyada oo loo baahan yahay Dhaqaale lagu hawl geliyo Ergooyinka ka hawl-galaya dejinta colaadda ka aloosan deeganka Daroor, iyada oo sida ay Guddaasi sheegeen la sameeyay Khasnad (Account) u gaar ah oo lagu hagaajinayo wixii taakulayn ah ee ay Bulshada ku gaysanayso Nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee isku diriryaya Daroor, Khasnadaasna waxa laga sameeyay Shirkadda Dahabshiil, Nabarkeeduna waa D8425.
Guddoomiyaha Guddidaasi C/Rashiid Haybe Dubad oo mahad-naq u soo jeediyay dhamaanba beelaha ka ku hawlan daminta colaadda ayaa sheegay in haddii colaadda lagu joojin kari waayo Sulxi iyo wanaag, gacanta loola tago oo la dhirbaaxo ciddii Ergooyinka maqli wayda.Waxa kale oo C/rashiid sheegay in haddii aan wax laga qaban dhibaatadan taagan ay ku baahi doonta guud ahaanba dhul waynaha Somaliland.
Muj Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhaga-wayne), oo ka mid ahaa Ergooyinkii ku hawlanaa Shaqaaqadda Daroor ayaa isaguna ka hadlay kulankaasi oo sheegay in dhiiga daadanayaa ee Daroor ku daadanayaa uu yahay mid ka daadnaya dhamaan beelaha degan Jamhuuriyadda Somaliland. Mujaahid Ibraahim dhego weyne wuxuu sheegay in loo baahanyahay in aan cidna la sugin ee la iska kaashado xukuumad iyo shacba sidii loogu gurman lahaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex marayso deegaanka Daroor.
Waxaa sidoo kale halkaasi hadal ka jeediyey Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye wuxuuna sheegay in aan xaaladda taagan maanta aanay sugaynin beelaha garxajis balse ay tahay ayuu yidhi hawl u taalla beelaha kale ee somaliland inay qabtaan "yaynaan sugin cidna waa inaynu sida ugu dhakhsaha badanleh ee ugu macquulsan u damina xiisaddaaasi iyo collaadaasi maanta uma taallo arrintani beelaha garxajis waa hawl u taalla beelaha kale ee reer somaliland" ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambaytii waxa kulaankaasi soo xidhay oo ka hadlay Wasiiru dawlaha Caafimaadka Md. Axmed Cali Shire oo sheegay in qof kasta oo degan Somaliland ay waajib ku tahay inuu ka hawl-galo daminta colaadda, Dawladduna ay dedaal samaysay intii karaankeeda ah.
Wasiiru waxa kale oo uu sheegay in aanay Dawladdu Ciidan geyn karayn Deeganka Colaadu ka hurayso oo ay tahay dal kale, laakiin ay Dawladdu la xidhiidhay dalka Itoobiya, si ay ciidan u keento oo ay ku kala hor fadhisato labada beelood, taasina way suurtowday ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa kale oo intaasi raaciyay in Borobagaandhada la leeyahay dawladda ka dambaysa laga daayo bulshadda, la iskuna dayo in laga shaqaayo wanaaga ayuu yidhi Wasiirku.






