February 18, 2007

Gudoomiyaha Degmada Saylac oo ka Waramay Mashaariicda ay qaban doonaan Sanadkan

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 17 Feb. Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi (Cawad) ayaa shalay warbaahinta gobolka Awdal uga waramay, waxqabadka golaha deegaanka ee degmada saylac u qorshaysan Sanadkan 2007-2008.

Ugu horayna wuxuu ka waramay xaalada degmada oo uu sheegay in ay aad u fiican tahay,daadadkii laba bilood ka hor waxyeelada u geystay degmada Saylac si fiican ayay dawladu uga soo gurmatay, waxaana hawshaas ku amaanan m/weyne Rayaale oo hayadaha ku amray in ay u gurmadaan degmada.

Mashaariicda noo qorshaysan waxaa ka mid ah ayuu yidhi gudoomiyuhu samaynta daartii qadiimiga ahayd ee maamulka degmada Saylac, oo hadaba aan bilawnay dayactirkeeduna socdo.

Dib u hagaajinta wadooyinka Saylac iyo Toqoshi, Dhisme jeel cusub oo ay degmadu yeelan doonto, Biyo galin aan u samayn doono magaalada Saylac, Hawl galinta cusbataalkii degmada saylac si uu dib ugu shaqeeyo. Beer timireed tijaabo ah oo aan ka samayn doono Caasha/Cada, Horumarinta mashaariicda milixda iyo Kaluumaysiga ee degmada saylac. Wanaajinta Dalxiiska anaga oo Huteel dalxiis ka dhisi doona Jasiirada Sacadiin.

Waxyaabaha baahidayada ugu waaweyna waxaa ka mid ah ayuu yidhi dhanka ciidamada Booliska oo aad noogu yar, isla markaana aan haysan gaadiidkii ay ku shaqayn lahaayeen, taasna waxaan ka codsanay in ay naga caawiyaan UNDPda.

                                                                                                 Gudoomiyaha Degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi (Cawad)

Login