February 16, 2007

Siilaanyo iyo Faysal oo Aragtiyo Is-khifaafsan ka bixiyey Go’aanka Wakiilladu ku Horjoogsaday Komishanka

Hargeysa (Jam)- Labada Guddoomiye xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali-waraabe, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey go’aankii Golaha Wakiilladu ku horjoogsaday ansixinta lix xubnood oo loo soo xulay Komishanka cusub ee Doorashooyinka Qaranka, kuna deedafeeyeen toddobadii xubnood oo aan dhammaystirnayn, iyada oo lixda xubnood ee golaha la horkeenayna ay soo xuleen saddex Madaxweynaha, Guurtida laba xubnood iyo xubin uu soo magacaabay UCID, halka aannu xisbiga KULMIYE weli soo xulin xubintiisii.

Guddoomiyaha KULMIYE, Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo aannu xalay wax ka weydiinay mowqifka xisbigiisa, ayaa si diirran u soo dhoweeyey go’aanka Golaha Wakiilladu ku celiyey xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka. “Horta xisbiga KULMIYE go’aankiisa hore ayuu u caddeeyey, kaas oo ah xubnaha la soo xulayaa in ay noqdaan kuwo lagu wada qanco, saddexda xisbina muddo hore ayey iska arkeen oo ka wadahadleen sida loo soo xulayo. Tallaabadan [go’aanka Golaha Wakiilladu ku laalay ansixinta xubnaha Komishanka] waxaan u arkaa mid wax-ku-ool ah oo tahay in ay hore uga sii tallaabsadaan.

Guddigan waxa loogu talogalay in ay maamusho doorashooyinka, sidaa darteed caqliga ma gasho, in ninkii kula tartamayey uu 90% isagu yeesho dadkii siidhi-wadayaasha ka noqon lahaa garoonka. Markaa waa in laysaga yimaaddaa oo wax badan baynu kaga soo gudubnay wadatashiye saddexda xisbi isu yimaaddaan sidii axsaabtu mar horeba uga wadahadleen, taas oo ahayd in laga tashado, lagana wada socdo qaabka xubnaha loo soo xulayo, si ay u noqdaan kuwo lagu wada qanacsan yahay, haddii kale anigu [Siilaanyo] ka hadli maayo haddii cirku soo dhacayo maxaad yeelaysaa? Xubnahaas ay ay Wakiilladu celiyeen si shaqsiyadeed waxba uga sheegi maayo, waayo waxba kamaan arag, qaarkoodna maba aqaan, laakiin waxaan ka hadlayaa waa mabda’a [qaabka xulista] oo ay sii mudaneyaasha qaarkoodba aad doodda ku maqlaysay in la tixgeliyo waxyaabaha badan ee jira, oo ay tahay in laga tashado, oo markaa sidii laysla garto in qaar la soo magacaabo ama kuwii hore loo daayo, laguna heshiiyo wax loo wada dhan yahay.

Labada xisbi [KULMIYE iyo UCID] iskumay darsamin, laakiin waxyaabaha qaar ayey heshiis ku ahaayeen, markaa way dhici kartaa in ay arrimaha qaar ku kala duwanaadaan, markaa annaga [KULMIYE] mowqifkayagu waa annaga oo ku qanacna [xubnaha Komishanka]. Adeer, adduunku si buu u shaqeeyaa, berigii hore ee guddigan la sameeyeyna axsaabtu may jirin, laakiin hadda way jiraan,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.Hase yeeshee, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in aannu jirin wax ay xisbi ahaan isugu noqonayaan, xubintoodiina soo xuleen, waxna aanay ka beddelayn, arrintuna ay u taallo Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha.

“Annaga [UCID] arrin noo taalla ma aha, Madaxweynaha iyo Wakiillada ayey dhex taallaa, wax laysku noqonayaana ma jirto, xisbi ahaanna waxaannu ka taaganahay xubnihii hore ee aannu soo xulay, waxbana kama beddelayno,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Guddoomiyaha UCID waxa uu tilmaamay in qodobka warbaahinta lagu sheegay ee lagu soo celiyey aannu ku jirin shuruudaha xubnaha lagu soo xulay, “Annaga qolyahagii wax soo magacaabay [Madaxweynaha, Guurtida iyo UCID] shuruudihii waannu buuxinay, wax aan shuruudaha iyo xeerka ahayn in lagu dhaqmaana waa xaaraan.”

Faysal Cali-waraabe, waxa uu xusay in labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay golaha [Wakiillada] dhexdiisa heshiis ku ahaayeen, iskuna raacsanaayeen in la isa soo raaciyo toddobada xubnood in taasi sax tahay in ta Madaxweynuhu sax tahayna doodeeda la geli doono.Guddoomiyaha oo ka jawaabayey su’aal ahayd; waxa uu ku diidan yahay in dib loo wada tashado xukuumad iyo axsaabta mucaaradka ah, si loo saxo waxyaabaha la kala tabanayo, waxa uu yidhi; “UCID ahaan laba arrimood baa muhiim noo ahaa; diiwaangelinta oo Golaha Wakiillada loo soo gudbiyey iyo buuxinta Komishanka waqtigiisu dhacay, xubintayadii waannu gudbinay hadda wax isugu kaaya hadhayna ma jiraan xukuumadda.”

Faysal Cali-waraabe oo la weydiiyey sida uu u arko in ay xilligeeda qabsoomi karto doorashadii goleyaasha degaanku, waxa uu sheegay in ay haatan ku gudo-jiraan hagaajinta garoonkii lagu wada ciyaari lahaa, arrintaana ka hadli doonaan marka Komishanka iyo diiwaangelintu hirgasho, balse ay xisbi ahaan qabaan in doorashada degaanku waqtigeedii qabsoonto.

Ugu dambayn, waxa uu Guddoomiyaha UCID sheegay in ay maanta fadhi yeelan doonaan guddiga fulinta ee xisbiga iyo xildhibaannada Wakiillada kaga jira, balse wax faahfaahin ah kama bixin arrimaha ay kulankooda kaga wadahadli doonaan.

Source: Jamhuuriya Online