February 13, 2007

Loollanada Dahsoon iyo Saxalka Fooruhu Sido!

Dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey, ayaa noqday kuwo daaha ka fayday waa siyaasadeed oo cusub, kana gedisan dareennadii sida aad ah loogu fagnaa ka hadalkooda 42 maalmood ka hor, waqtigaas oo lagu jiray gebagebadii sannadkii dhammaaday ee 2006. Magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka qaarkood, ayaa ahaa kuwo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo hoose oo si goonni-goonni ah uga dhex socday hoggaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo kooxo siyaasadeed oo huwan diblomaasiyad xisbiyeed. Jamhuuriya Online

Sida oo kale, bogagga hore ee wargeysyada maxalliga ah qaarkood, ayaa ahaa kuwo xambaarsanaa weedho iyo hadallo xajiin badan oo ka soo yeedhayey qaar ka mid ah shaqsiyaadka ku shuqlan hawlahaas iyo kuwo kale oo iyagu isu arkayey in lagu maroorsanayo taageeradii uu dhinacooda ku lahaa goobahaa. Arrimahaas oo ay ka mid ahaayeen kulamo iyo shirar koox xildhibaanno ah oo ka tirsan Golaha Wakiilladu la yeesheen aqoonyahanno, hoggaamiye-dhaqameed iyo ganacsato ka soo jeeda beelaha Galbeedka Burco badhtamihii toddobaadkii hore.

Inkasta oo xildhibaannadaasi ka kala tirsanaayeen saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, haddana sida ilo xogogaal ahi xaqiijiyeen, waxa xubnahaasi ka midaysnaayeen arrimo isku mid ah oo ay ka mid yihiin sidii beesha galbeedka Burco aragti qudha uga yeelan lahayd doorashada soo socota cidda ay codkeeda siin doonto, si taas loo helana waxa kulamada lagu lafogurayey waayo-aragnimadii laga korodhsaday doorashadii hore ee Madaxtooyada 2003, waxayna ilahaasi tibaaxeen qiimayn lagu sameeyey waxtarka beeshu ka heshay doorashadii hore, gaar ahaanna waxqabadka aasaasiga ah ee degaannada ay degto. Dhaqdhaqaaqyadaas ayaa marka si loo eego u muuqda kuwo gogol-xaadh u ah diyaargarowga loollanada ku wajahan tabaabushaha kala-jiidashada kalsoonida dadweynaha ee doorashada Madaxtooyada ee soo socota, taas oo la filayo in ay dalka ka dhacdo bisha April 2008, waqtigaas oo ay hadda ka hadhay muddo 14 bilood ah.

Loollanadaas inkasta oo xubnaha dabada ka riixayaa ay isku dhaf yihiin ka soo kala jeeda saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, ayaa haddana marka la eego wararka ka soo fufaya kulamadooda iyo dhawaaqa difaaca Xoghayaha Guud ee UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale, waxay iftiiminayaan in go’aamada kulamadaa ka soo bixi doonaan noqon doonaan qaar aan u cuntami doonin Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa oo hore taageero laxaad leh uga haystay beesha galbeedka Burco.

Haddaba, iyada oo arrimaha qiimayntooda kulamadaa lagu lafogurayey badidooda lagu ogaaday in aan wax faa’iido ahi beesha ka soo gelin aqlabiyadda dhinacii ay markii hore taageertay, ayaa waxa isweydiintu tahay ma noqon doontaa mid isbeddel keenta, mise waxay ku biyo-shuban doonaan rux-ruxasho aannu ficil wehelin oo dad dano gaar ah lehi dhaqaale ku doonayaan?

Si kastaba ha ahaatee, way kala caddaan doontaa midka ay noqon doonto dhedo iyo hogol roob wadata, marka bilaha foodda innagu soo hayo la gudogalo diyaargarowga ololaha doorashada madaxtinimada dalka ee shanta sannadood ee soo socda.
 

Source: Jamhuuriya Online