February 12, 2007

Baabuur kula Gadoomay K/baydh iyo Gabailay dhexdooda shaqaalaha hayada IFAD

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 11 Feb. Baabuur ayaa maanta gelinkii hore kula gadoomay,wadada u dhaxaysa kalabaydh iyo Gabilay shaqaalaha hayada IFAD, Baabuurka ayaa u sii socday dhanka magaalada Gabilay, Shilkaas baabuur ayaa waxa ku dhaawacmay madaxa hayada ee xafiiska G/Awdal Maxamed C/laahi (Talyani), Safiya X.Abuubakar oo ugu dhaawac culus, Eng.C/rashiid Istareex, Yaasiin Shide Bile iyo Darawalkii Gaadhiga.

Dhaawaca ayaa la geeyay dhanka magaalada Hargaysa, waxayna wararku sheegayaan in la dhigay Cusbataalka ADNA Hospital, waxaana ugu dhaawac culus Safiya X.Abuubakar iyo Maxamed Talyani madaxa xafiiska IFAD ee G/Awdal.

Darwalkii gaadhiga ayaa isaga dhaawaciisa la keenay magaalada Boorama.
Baabuurka shilka galay ayaa noociisu ahaa Land-Cruser,waxaan lahaa sida la ii xaqiijay madaxa hayada IFAD ee Borama Mr.Maxamed C/laahi, Isla shalay ayaa waxa wadadaas ku rogmaday gaadhi ay lahayd Warshada Furinka ee Boorama, gaadhigaas oo ahaa nooca loo yaqaan Xaajiyada, balse dhawaac fudud soo gaadhay dadkii saarnaa.

Saxafiyiinta kala gedisan ee ka hawlgala G/Awdal ayaa shalay xafiiska ku waraystay madaxa Hayada Ifad ee G/Awdal Maxamed C/laahi, wakhtigaas uu waraysiga bixinayay oo ay shir lahaayeen dhamaan shaqaalahaas uu gaadhay shilka Baabuur, waxayna ku sugnaayeen xafiiska Hayada IFAD ee Boorama.

Wariye: Hashim Goth, hashimgoth@hotmail.com