February 5, 2007

Xafiisyada Axsaabta Qaranka ku leeyihiin Magaalada Boorama iyo Xaalkooda

                                                                   Xarunta Xisbiga Udub ee Magaalada Boorama

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 02 Feb. Axsaabka Qaranka ee Somaliland oo ah Sadex Xisbi, waxay kala yihiin Xisbiga Talada Dalka haya oo la yidhaa UDUB iyo labada xisbi ee ka soo horjeeda oo kala ah UCID iyo KULMIYE, Hadaba sadexda xisbi waxay xarumo ku leeyihiin gobolada dalka, Halkaas oo ay u joogaan Gudoomiyayaal gobol oo xisbi walba u magacaaban.

Maqaalkan waxaan ku eegaynaa sida ay yihiin, Xafiisyada Sadexda xisbi Qaran xarumahooda ay ku leeyihiin G/Awdal xaruntiisa Boorama, waana maqaal aan ugu talo galay muuqaalka sadexda xisbi ku leeyihiin Awdal in laga daawado, waxa kale oo aan u bayaaminaynaa madaxda sadexda xisbi Qaran in aan u iftiimino karti darada ka muuqata xisbiyada ay horfadhiyaan, waana mid aan rabo in aan Bulshada ka haysan xog dhab ah ugu soo bandhigo maqaamka ay ku leeyihiin sadexda xisbi Xarunta G/Awdal, waa maqaal tusaya madaxda xisbiyada in ay Asturtaan baylahdooda muuqata.

Waxa had iyo jeer la maqlaa xisbi hebel oo warsaxaafadeed soo saaray iyo shir jaraaid qabtay, Dhanka kale waa faaqidaad ay ku muuqato sida aan Dimuqraadiyadu u biyo dhigin Somaliland, Dhaliishana dusha ka saaraysa Axsaabta Qaranka oo aan Aqoon u lahayn habka Xisbinimo, waxa kale oo qofku ka arki karaa bisayl la’aanta xisbiyada Qaranka xaga dhismaha xisbiga, taas oo ka marag kacaysa sida aysan u lahayn Axsaabta Qaranka Somaliland Ajande cad oo mid walba tilmaamaysa hogaamintiisa Siyaasadeed. Sawirkan waa mid ka turjumi kara guud ahaan dalka Somaliland oo dhan.

Hadaba hadii aan warbixinaha xafiisyada u kala qaadno marka hore Xisbi walba gaarkiisa waxaan ku horaysiinaynaa, Xisbiga talada haya ee UDUB Xafiiskiisa.

Xisbiga Talada Haya ee UDUB waxaa u kiraysan guri Bangalo ah, waxaana ka taagan calanka xisbiga, balse maaha xafiis furan oo shaqeeya, maalmaha uu shaqeeyaa waa wakhtiyada Tartanka oo keli ah, Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka inta badan wuxuu joogaa Hargaysa, G/xigeenkuna wuxuu joogaa Borama, Xoghayaha ayaa isna joogto ku ah Borama, xisbigu malaha Raadraac(Arkiifiyo) sida  Qoraalo ka waramaya Aasaaskii Xisbiga iyo intii uu dhisnaa xafiiska G/Awdal waxqabadkiisii oo dhan, sidaa waxa ii sheegay xubin xogogaal ah oo ka tirsan Hawlwadeenada UDUB ee G/Awdal.

Xisbigu malaha Agabkii Xafiis ku shaqayn lahaa oo dhan, Sida Cumputer, Teeb, Fotcopy IWM ah, keliya waxaa yaal Miis iyo Kuraas. Xisbigu malaha qaadhaan Ururin laga qaado dadka ka tirsan Xisbiga, Isla mar ahaantaana malaha Shirar iyo Isku xidhnaan Dhexdiisa ah, Inta badana waxaa fariin laga sugaa hogaanka sare marka hawli jirto. Xisbiga UDUB wuxuu leeyahay garab haween oo isna shaqeeya, garabkaas Haweenka oo leh maamulkiisa, balse kama duwana shaqadiisu maamulka sare ee Gobolka.

Xisbiga UCID waa xisbi isna ah Axsaabta Qaranka, isla mar ahaantaana ka mid ah Axsaabta Mucaaradka ah, Xisbiga UCID ee G/Awdal Boorama waxaa u kiraysan guri Bangalo ah, Xaruntiisa waxaa ku yaal Boodh uu ku qoran yahay magaca xisbiga UCID, birta loogu talagalay calankana kama taagna wax Calan ah, Xafiisku waa mid aan furnayn inta badan, balse laga shaqaysiiyo wakhtiyada tartan jiro, Xafiiska UCID malaha Agabkii shaqo ee Xafiis oo dhan, marka laga reebo kuraas keli ah, mana laha Raadraac Qoraal oo xisbiga waxqabadkiisii iyo wixii soo maray ka sheekaynaya, mudadaa uu ka furnaa xarunta Boorama ee G/Awdal, Qaadhaan xisbi oo ay bixiyaan dadka xisbiga ka midka ah ma jiraan, isla mar ahaantaana mala Shirar iyo kulano. Gudoomiyaha Xisbigu waxa uu joogaa Boorama.     g/xigeenkuna wuxuu joogaa Borama, garab Haween way leeyihiin balse malaha maamul u gaar ah.

Xisbiga KULMIYE oo ah xisbi Mucaarad ah, Xaruntiisa G/Awdal ee Boorama waa mid xidhan, Isla markaana waxaa ugu dambaysay laba Sano ka hor, oo waa laga saaray ka dib markii ay kiradii Guriga Xafiiska u ah bixin waayeen, sidaa waxa ii cadeeyay xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE, Xafiiskaa xisbiga Kulmiye laga saaray waxaa ku hadhay birtii calanka, birtaas oo ay ka sii taagan tahay Calaamad yar oo Calankii xisbiga Kulmiye ka hadhay. xisbigu malaha shirar iyo kulano wuxuuna kala mid yahay xisbiyada hore,  qaadhaanka dadka ku jira xisbiga maaha mid shaqeeya, garab haween wuu leeyahay balse maamul ay leeyihiin ma jiraan, Gudoomiyuhu wuxuu joogaa Boorama iyo madaxdiisa kale. magaca xisbiga kelya ayaa jira, malaha Xafiis ama Raadraac Qoraal oo ka sheekaynaya waxqabadkii Xisbiga Kulmiye iyo mar xaladihii uu soo maray, taas waxa ii cadeeyay xubin ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Warbixintaas aan ka soo sameeyay Axsaabta Qaranka xafiisyadooda oo ah mid aan si aad ah ugu kuur galay, ma muuqan doontaan in ay ka faaiidaystaan xisbiyadu ? mise waxay noqon doontaa Maqli Jiray? Bulshada ku dhaqan Somaliland iyo Qurbajoogana maxay ka bedeli doontaa? Madaxana ku hay in guud ahaan muuqaalkan xisbiyadu yahay mid ka siman gobolada Somaliland oo dhan.

                                                         Xarunta Xisbiga Ucid ee Magaalada Boorama

                                                                     Xarubta Xisbiga Kulmiye ee magaalada Boorama

Sawirka 1aad Waa Xarunta Kulmiye laga saaray Calanka ka taagan Sawirka 2aad waa Xarunta xisbiga UCID Sawirka 3aad waa Xarunta xisbiga UDUB

Wariye: Hashim Goth, hashimgoth@hotmail.com