January 28, 2007
Jawaab: Ururada Wata magaca Qaranka Maxaa Reer Awdal ka Reeba?
Salam ka dib, walaal Hashim Goth waan ka helay sida fiican ee aad noga haqab tirto wararka gobolka, waanan kugu mahadinaynaa aad iyo aad, ta labad walaal maqaal kaagan halka sare aan ku qoray ee ah ururada wata magaca S/land maxaa Reer Awdal ka reebay, waa su’aal fiican, lana rabo inay is waydiiyaan reer awdal ka dalka joga iyo ku dibad joogaba.
Laakin anigu waxa aan oran lahaa Reer Awdal ayaaba manta ka seexday xaqii ay ku lahayeen S/land, waayo Reer Awdal ayaaba iyagu ukala baxay sadex qaybood oo noqday kuwa mucarid ku ah gooni goosadka S/land iyo kuwa iska aamusan iyo ku dhuunigooda uun u raadsocda oo aanan xaqa gobolka dooninba.
Marka waxa fiican inay reer awdal meel ka soo wada jeestan, una midoobaan arimaha gobolkooda, raadshaana xaqa ay Reer Awdal ku leeyihiin S/land iyo somaliweyn ba, waa in la hela rag aad u firfircoon oo umada xaqoda u raadiya, lana noqon dhuuni
qaatayaasha hada Reer Awdal kaga jira S/land iyo somaliweyn ba.
Waxa kale oo aan talo u soo jeedin laha dhalinta iyo aqoonyahaniinta Reer Awdal in ayna madaxdooda waxba ka sugin ee ay iyagu waxooga toos u raadsadaan oo ay noqdaan dad aan xaqooga laga indha tiri karin, waa in ay isticmalaan media ha si wararkooga waxa ay diidan yihiin iyo waxa kalaba bulshada calamku u aragto, ta kale ee aan adiga shakhsiyan aan kaga codsanayaa waxa ay tahay inaad waxii dhaliilo ah ee ka jira dhulkena aad umada Reer Awdal ka gaajo tirto si aay bulshadu u ogato xaalada gobolkoogu ku suganyahay.
Waana in ay ka kacan hurdada aay ku jiran waayo aduunka waxa lagu hor-u-mar lagu gaadhaa waa media ha, hadii xaga media ha ninka kaa soo horjeedaa kaa horeyso waa kaa badinaya, markaa Hashim Goth aad ayaa ugu mahadsan tahay in aad noo soo dirto maqalkani oo kale si aay bulshadu u ogaato meesha ay marayso, waanan ku salamayaa!
Eng ahmed yabaal
UET- Lahore, Pakististaan
Email: ramadaan@hotmail.com








