January 16, 2007

Hayada DRC madaxdeeda Gobolka Bariga Afrika oo shir uga furmay Boorama

                                                                                                         Maayarka Boorama Cabdi Shide Bile

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 16 Jan. Hayada DRC (Danish Refuage Councal) Madaxdeeda Xafiisyada Bariga Afrika ayaa shir socon doona sadex maalmood uga furmay magaalada Boorama, shirkan waxaa Saaka furay maayarka magaalada Boorama c/raxmaan Shide.

Wuxuuna madaxda hayada DRC ku soo dhaweeyay caasimada G/Awdal ee uu Duqa ka yahay, isla mar ahaantaana wuxuu uga mahadceshay DRC sida kalsoonidu ku jirto ee ay Shirka ugu doorteen Boorama, shirkan oo ku la mid ah aan lagu qaban wali Boorama, wuxuu ka socdaa Huteelka ugu wayn Boorama ee RAYS Hotel.

Shirka waxaa ka soo qayb galay madax xafiisyada DRC Sudan, Uganda, Somalia(Puntland) Somaliland iyo madax ka socota Xarunta Xafiiska ee Copanhegan, waxaa shirka lagaga hadlayaa hawla iyo habka wada shaqayneed  ee DRC ee gobolka Geeska Afrika.

Email: Hashim Goth, hashimgoth@hotmail.com