January 14, 2007

Kiisaska ay Qaaday Maxkamada Gobolka Awdal Sanadkii 2006

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 12 Jan. Maxakamada gobolka ee Boorama ayaa sanadkii hore 2006 waxay qaaday kiisas gaadhaya 256 kiis, kiisaska ayaa iskugu jira kuwo madani ah iyo kuwo ciqaab ah, kiisaska Ciqaabta ayaa gaadhaya 240 kiis, halka kiisaska madaniga ah ay gaadhayaan 16 kiis.

Kiisaska Ciqaabta ah waxaa dhamaaday 210 kiis,Kuwaas oo  ay maxkamadu kala xukuntay, waxaa dhiman kiisaskaa 30 kiis oo aanay maxkamadu kala xukumin.
kiisaska Ciqaabtu waxay u badnaayeen Tuugo sida ay noo sheegeen kaaliyaasha maxkamadu.

Kiisaska Madaniga ah ayay maxkamadu xukuntay 12 kiis, waxaana kiisaskaa madaniga ah u hadhay maxkamada 4 kiis. Maxkamadu Hal kiis oo dil ah ayay xukuntay mudadaas sanadkii hore ahayd.