January 9, 2007

Madaxda G/Awdal oo tegay Ethoipia Iyo M/weyne Rayaale oo Isna Qabtay Adis Ababa

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 08 Jan. Wefti ay ka mid yihiin Badhasaabka G/Awdal Maxamuud Sh. C/laahi, Taliyaha Ciidanka Booliska G/Awdal Aaden Geedi Qayaad, Taliyaha Ciidanka Xeebaha Awdal Col. Xudhuun iyo Duqa Boorama C/raxmaan Shide ayaa saaka subax u ambabaxay dhanka wadanka Ethoipia, weftigaas ayaa la filayaa in ay gaadhaanka dhanka magaalada Diridhaba iyaga oo sii marayay dhanka degmada Dambal.

Weftiga ayaan wax war ah ka siinin saxaafada ujeedada safarkoodu ku saabsan yahay, balse waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan dhanka nabadgelyada iyo wadashaqaynta Amaanka xuduuda labada gobol ee deriska ah Shiniile iyo Awdal.

Dhanka kalan waxaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee hargaysa M/weyne Rayaale isaga oo u socdaalay dhanka wadanka Ethoipia caasimadiisa Adisababa, halkaas oo kulan ay ku wada yeelan doonaan Raysal wasaaraha wadanka Ethoipia males Sinaawi, sida uu saxaafada u sheegay mar uu u waramayay idaacada BBCda maanta M/weyne Rayaale isaga ayaa codsaday tegista socdaalkiisa Adisabab.

Wariye: Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com