January 1, 2007
Warbixin: Socdaal Aan ku Tegay Degmada Lughaya
Maxamed Cumar, Harowo.com, Dec. 31-06–Degmada Lughaya, kana mid ah degmooyinka laga maamulo magaalomadaxda Gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxay tahay Degmooyinka ay weli ka muuqdaan dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Waa degmo ku taal xeebta Barii ee Gobolka Awdal waxayna hodon ku tahay khayraadka xoolaha iyo badda.
Degmada lughaya oo aan tegey markii iigu horreysay, ayaa waxan ku arkay wax lagu farxo iyo wax laga naxaba. Waxad ku farxaysaa dhulka ay ku fadhido, oo ah dhul aad u ballaadhan oo isku siman, islqa markaana wakhtigan ah dhul doog ah, biyana fadhiyaan meelaha qaarkood. Waxa degaanka Lughaya hada daaqaya Geel, adhi iyo lo’ ka kala yimi Gobolka intiisa kale tiraddooduna badantahay. Waxa kale oo joogta lo’da loo yaqaan Jaamuusi ama, buffalo oo laga keenay dibeda.
Waxay kale oo degaanka Lughaya ku caan yahay in aanay xeebaheedu lahayn ciidda milixda ah ee loo yaqaan (Jaanka) ee ay leeyihiin Degmooyinka Saylac iyo kuwa kale ee Badda Cas ku yaalla. Dhinaca shicibka marakaad eegto magaaladu Lughaya dad badan malaha marka laga reebo dhinaca miyiga magaalada. Ma jiraan wax shaqooyin ah oo hada ka socda, mana jiraan mashaariic haatan ka socota oo ay cid uuni waddo .
Maamulka Dawladdu waa magac uun, malaha dhaqaale u wax ku fuliyoiyo iyo ciidan nabadgelyo oo awood leh. Gaadhiga keliya ee dawladdu leedahay oo ah gaadhiga Guddoomiyaha Degmada, waxa loo adeegsadaa wax kasta oo baahi ah oo dadweynaha soo waajaha. Waxa Gaadhigaasi loo isticmaalaa Ambalaas, soo dhaweynta dawladda, caydhsiga cidda la doonayo in la qabto oo Boolis ahaan ayaa loo isticmaalaa iyadoo mararka qaarkood loo adaygsado in uu caawiyo baabuurta dhexda ku jabta.
Markaad magaalada gasho waxad arkaysaa gaadiid farabadan oo ku burburay dagaaladii sokeeye, guryo dumay, kuwa raadadkoodii weli sii muuqdaan oo tirtirmay ama la tirtiray iyo hadhaaga qalabkii milatari ee gubtay ama ka xumaaday xoogaggii halkaa dagaaladu ku dhex mareen. Goobaha adeegyada dadweynuhu waa kuwa burbursan inkastoo ay ka muuqdaan dhismayaal cusub. Waxa jira goob loogu talogalay sariibad, la iina sheegay in hay’adda DRC dhistay. Meeshaasi oo ka mid ah meelaha laga arki karo mashaariicda khasaartay ee an laga faaiideysan waayey.







