December 31, 2006
Maayarada Magaalooyinka S/land oo Isugu Yimid Boorama
Hashim Goth, Harowo = Boorama, 30 Dec, Ciida Carafo ayaa magaalada Boorama si fiican looga ciiday, Waxaana salaadii ciida lagu tukaday masaajidada waaweyn ee magaalada, halkaas oo salaadii subax ka dib laga bilaabay Takbiirta "Alaahu Akbar".
Ciidan Carafo sidii ciidii hore ee Ciidal Fidriga way ka hoosaysay, waxaanad arkaysay in dhaqaalaha Bulshadu aanu aad u fiicnayn, isla markaas waxa keliya oo muuqday caruuro labisan dhar cusub iyo kuwo kale oo faraxsan kuna ciyaarayay Leexada caruurtu isku lusho.
Ma jirin wefti ka yimid dhanka xukuumada dhexe oo la ciiday shacabka reer Boorama, balse waxaa jirtay in ay ciidan yimaadeen sadexda mayar ee Hargaysa, Burco iyo Gabilay.
Waxaana Gudoomiyayaashaas Hargaysa, Burco iyo Gabilay, si fiican u qaabilay Golaha deegaanka Borama oo ay horkacayaan Mayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile iyo K/xigeenkiisa Muumin Gadiid, waxayna Casuumad Hadhimo sharafeed ku yeesheen Hotel RAYS Borama, Sadexda Mayar ayaa joogi doona Laba maalmood.
Ka Blow Bidix Mayarka Gabiley, Maayarka Hargeysa, Maayarka Boorame, Maayarka Burco, Maayar Ku Xigeenka Boorama.
Maayarka Boorama Cabdi Shide Bile (Ninka Koofiyada Xidhan) oo Casuumad ugu Sameeyey Huteel Rays Maayarada Martida u Ah.
Qoys Ka Mida ah Dadweynaha Reer Boorama oo u Dabaaldagaya Munaasabada Ciida
Wariye: Hashim Goth, hashimgoth@hotmail.com

