December 30, 2006

Reer Awdal Iyo Amaanta Maxaa Kala Haysta (Andhayaa Gadabuursi).

  1. Maalintii Burco somaliland lagaga dhawaaqayey idinkaa hormuud ka ahaa.
  2. Waxad tihiin hooyadii  Somaliland
  3. Somaliland idinkaa dhisay
  4. Beelaha Somaliland idinkaa isku keenay(gogoshii nabadda dhigay).
  5. Xukuumaddaa ad arkeysaan waxa dhashay Boorama.
  6. Calanka somaliland muwaadin reer Boorama ah ayaa sameeyey.
  7. Lacagta somaliland idinkaa socodsiiyey.
  8. Dalka idinkaa xukuma

Weedhahaas iyo kuwa kalaba waxay ka mid yihiin halku dhegyada reer Awdal loo adeegsado ee ay iyaguna madaxa u ruxaany.

  1. Dadka reer Awdal waxay ku dulmanyihiin saami qaybsiga somaliland.
  2. Degaanadoodu waxay ka qatanyihiin maalgalinta ama deeqaha dalka intiisa kale wax lagaga qabto ha noqoto kuwa hay’adaha qaramada midoobay fuliyaan iyo  deeqda midowga yurub intaba .
  3. Waxanan haba yaraatee jaanis loo siin deeqaha waxbarasho ee ardayda loogu diro dalalka dibadda.
  4. Waxan laga qayb galinin saraakiisha tababarka loogu diro dalalka jaarka sida itoobiya, IWM.

Maxaad ka  ogtahay waxa curyaamiyey ee umadaha kale ka reebay qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya?Qowmiyada oromadu waa dadka tiro ahaan ugu badan dalka itoobiya laakiin tayo ahaan ugu liita.waxa  jiray boqoro iyo xukuumado kale oo  isaga danbeeyey talada dalka Itoobiya. Dadka oromadaha waxay  ka dhaadhiciyeen inay iyagu yihiin dadka ilaahay ugu jecelyahay dhulka Abasiiniya(itoobiya).Waxa lagu  yiri Idinku waxad tihiin DABIICI (Nature). Idinku inaad dhulka wax iskaga dhigtaan maaha!!. Waa arinta sabábtay inay oromadu kaba la’aan ku socoto,ilaa imikana qaarkood wali sidii aaminsanyihiin.
 
Waxa laga  dhaadhiciyey in afkoodu yahay af xurmaysan.Waxa lagu yiri: Waa afkii Ilaahay kula hadlay Nabi Aadan  markii uu janada ka saarayey. Markaa Radiyowga lagagama hadli karo,sababtoo ah raadiyowguba wuu jabayaa oo waa luqad karaamaysan,sidaasaa xataa afka Oromada loo qori waayey!!!. Iyaguna waxay aamineen in arintaasi dhab tahay.

Illaa ay dawladii Somaliya ka dhaadhicisay in arintani tahay gumaysi cilmiyeysan ee aanay waxba ka jirin afkooduna la mid yahay afafka kale ee Aadamuhu ku hadlo.Sidaasayna dawladii Somaliya afka Oromada ku qortay idaacad ay ka hadlaana loogu sameeyey.Reer Awdal iyo ammaanta maxaa kala haysta (Andhayaa Gadabuursi).
     
Waa Qalinkii Jawhar C/samad Qalinle

Email:  korwaayeel@hotmail.com