December 30, 2006
Koox Dhalinyar ah oo ka socda Jaamacadaha Holand oo Yimid Boorama
Hashim Goth = Boorama, 29 Dec. Koox dhalinyar ah oo ka yimid wadanka Holland, kana mid ah dhalinyarta wax ka barata Jaamacadaha Holland, ayaa shalay subax soo gaadhay magaalada Boorama, dhalinyartan oo tiradoodu gaadhaysay labaataneeyo arday, waxay iskugu jireen wiilal iyo gabdho waxay kormeer ku soo kala bixiyeen gobolada Somaliland.
Waxa si diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Boorama, Bahda caafimaadka G/Awdal, Ururka Haweenka ee Kaalmo, Ururka Dhalinyarta ee AYODA iyo Xildhibaan Ikraam X.Daauud, ugu horayna waxay booqdeen Cusbataalka guud Boorama, halkaas oo ku soo dhaweeyay Agaasimaha Cusbatalka Dr.Ismaaciil X.Muxumed iyo Dhakhaatiir kale oo ay ka mid yihiin Dr.Askar oo madax ka ah Mashruuca Analena Centre, Xaalada caafiimaad ee Awdal ayaa waxa ka warbixiyay Dr.ismaaciil ugana waramay Ardayda sida uu u shaqeeyo Cusbataalka Borama, wuxuu uga waramay qaybaha kala gedisan ee dhakhtarka iyo Ardayda wax ka barata Jaamacada Caafimaadka ee Camuud oo uu yidhi meesha ay wax ku bartaan in ay tahay cusbataalkan Boorama.
Ujeedada safarkooda ayaa waxa ka waramay xasan Macalin oo ahaa masuulka watay weftiga, wuxuuna sheegay in uu socdaalkoodu ahaa laba todobaad, ayna xog Urursi ka samaynayaa xaga Waxbarashada iyo Caafimaadka, ka dibna kula laaban doonaan Holland, sida keliya ee wadan wax loogu caawin karaana tahay xog urursi cilmi ah, taas oo ay gobolada kale aan soo wada maray ayuu yidhi Xasan, Waxaana naga soo caawiyay imaatinkayaga Urur ka dhisan holland oo la yidhaa Dalmar iyo W/arimaha dibada ee holland oo safarkayaga iyadna la socotay, mudo afar sano ahna waan ku guda jiray hawlahan, meelaha aan booqan doonanan waxaa ka mid ah Jaamacada Camuud iyo meelaha kale ee waxbarasho ee ka jira Borama.
Dr.Askar ayaa isna ka waramay qaybta uu madaxda ka yahay ee Analena Centre oo uu sheegay in ay ka kooban tahay qayb caafimaad iyo qayb waxbarasho, wuxuu dhalinta ku waaniyay in ay yihiin qolyaha iyaga bedelidoona marka ay waxbarashadooda dhamaystaan, wuxuuna intaas ku daray in uu isagu ka yimid Finland ugana yimid in uu dadkiisa baahan u gargaaro.
Dr.Nimco X.abubakar oo ka mid ah dhakhaatiirta ka timid qurbaha mudo shan sano ahna joogta cusbataalka Boorama, ayaa iyadna u sheegtay dhalinta ka socota Holland in farqi xoogle u dhexeeyo Cusbataalada wadamada hore u maray iyo kuwa wadankeenan, markii aan imid waan layaabay meesha ay haweenku ku umalayaan, waxaanan is idhi ma meeshan ayuu qof ku dhali karaa? waxa yaalay sariir Qudh ah, xataa habka loo shaqaynayay ma ahayn mid i raali geliyay, oo waan la yaabnaa wakhtigaas, Idinkuna in aad la yaabtaan ayaan u malayn ee u fiirsada oo haka qancina, durba aniga waxbaa ii kordhay idina waad ka korodhsan kartaan, markaasna wixii bedeli lahaa waad ka fikiri kartaan ama waxqabad uu u baahan yahay Cusbataalada Dalka oo dhan.
Waxa weftiga Ardayda ah casuumad xalay ugu sameeyay Hotel RAYS xildhibaan Ikraam iyo Haween ka tirsan Ururada Haweenka ee Boorama, isla maantana waxay booqdeen Xarumaha Jaamacada Camuud ,Xarunta Ururka Dhalinyarta ee AYODA iyo Xarunta Agoomaha Kaalmo.
Wariye: Hashim Goth, hashimgoth@hotmail.com






