December 25, 2006

Khilaafkii u Dhexeeyey Maayarka iyo G/degaanka oo Mar kale la Soo Af Jarey

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 24 Dec. Gudoomiyaha golaha deegaanka ee Boorama C/raxmaan Shide Bile ayaa markii u horaysay ka hadlay khilaafkii soo kala dhexgalay Golaha deegaanka Boorama dhexdiisa, Mar uu xafiiskiisa ku qabtay shir jaraaid oo uu ka jawaabayay suaal ahayd halkee ayuu ku dambayeeyay khilaafkii dhexdiina ahaa?

Ayuu ku jawaabay Mr.Shide inuu aad ugu faraxsan yahay sida uu u dhamaaday khliaafkii soo kala dhexgalay golaha dhexdiisa, si fiican ayuu goluhu u dhameeyay khilaafka dhexdiisa yimid, Xildhibaan Cumar Muxumed Cali ayaa isna ku sheegaykhilaafkaasi in uu ahaa mid kama ah uuna hada dhamaaday, madasha shirka jaraaid ayaa waxa fadhiyay xildhibaano gaadhaya 7 xubnood.

Gudoomiye shide wuxuu intaas ku daray in ay dib u bilaabeen samayntii jidadka Magaalada dhexdeeda ahaa, Jidadkaas ayuu hakad galaymarkiilaba todobaad ka hor khilaaf soo kala galay golaha deegaanka Boorama, Jidka hada la bilaabay ah Qaybtii sadexaadee samaynta jidka, wuxuuna Duqu sheegayin ay dhamayn doonaan Jid wareeg ah oo iskuxidha jidadka magaalada oo dhan si ay gaadiidka d/weynuhu ukala dhex shaqayn karaan.

                                                         Maayarka Boorama Cabdi Shide Bile oo Xafiiskiisa Fadhiya

                                                  Maayarka Boorama oo Kor Meer ku Sameeynaya Hawshii Dhisma laamiyada oo Dib U Bilaabantay

                                                            Isla Maayarkii oo Kor Meerkii Hasha Wada

Wariye: Hashim Goth, hashimgoth@hotmail.com