December 25, 2006

Baroortu Orgiga ka Weyn

Waxaa hubaal ah in eedan ku socota Xildhibaan Ikran aanay ahayn mid ku salaysan nin bay su’aal waydiisay, Su’aashaas oo hadii loo noqdo ay Xildhibaanadu kagaba gar joogtey ninka ay waydiisay markii ay Ragii ku dhici waayeena ay iyadu ku dhiiratey ilayn nin walaalkaa dillay oo ku leh waan ku xoraynay dhagaysan kari mayside.                                                       

laakiin ay tahay mid daba socota  shirkii jaraaid ee ay dhawaan ku qabatay magaalada Borama 18/12/06 kaas oo ay kaga hadashay wacyiga Gobolka Awdal kana run sheegtay wixii jira gobolka iyo sidaan waxba loogu qaban.
 
Waxqabad la’aantaa gobolka oo ah mid anay cidna daah ka saarayn doc iyo dibadba ayaa waxaa dhawaanahan danbe socda in  qof  aan taageersanay Madaxwayne Rayaale aanu kana hadli karin waxna  ka qaban karin dhulkiisii hadii aan laga soo sexeexin xagga sarre. Tabtan oo ah tabihii uu isticmaali jiray Siyaad Barre ayaa waxa ay abuurtey in meel markii horeba liidatay wax ka sii dhaca mooyaane aanay waxba u soo kordhayn.Ninkii ka hadlana sidaa ad arkaysaan la leeyahay ha hadlina. Arintan o ah arin inta badan dadku eeda saaraan Marwo Hudda Barkhad oo wali u dhaqanta ama u xafiiltanta sidii baryihii ay Dhayga Borama ku jirtey ay shaqo ka dhigato sidii loo dabo gali lahaa qofkii dhaqaaqaba.
 
Hadaba inta qaarkiin aad ku eedaynaysaan Xildhibaan  Ikraan baa wax ka sheegtey Rayaale, Maxaad uga hadli waydeen markii Marwo Hudda oo Dhakhtarkii ay ku dhalatey baahanyahay ka dhistey Dhakhtar kale Gabiley?. Marka uu rayaale ku andacoodo waxaan isku xidhayaa jidka u dhexeeya Barbara iyo Wajaale isagoo kii uu Hooyadii ku gaadhi lahaa Boholo ka qodmeen?.
 
Waar hadaba gadabuursoow intood nac nacda iyo hadal ka madhan iska daysaan qofkii dantiina ka hadla ha eryanina sida hablaha isa soo xayd xaytey sidii ay Bay dilayaan iyago ah soo galaytidii jigjiga ka timid, iyo Ninkan Idris isku sheega ee ku Faanaya ninbaa igu yidhi Geesiyad Tolwayday, maraba ma is waydiiyay sideebuu nin qayrkiis ihi ugula kaftami karaa amaba uga hadli karaa naag inaadeertii ah  walee xiniinyo la’aantaada ayaa la hubsadey, Xildhibaan ikraana maaha naag Dhaga! loogu maahmaaho ee waa wadaniyadaa is cadaysay waxay tahay iyo waxay u taagantahayna waa loo ogyahay.
 
Midna kalsooni waan ku qabaa Xildhibaan Ikraan maaha qof u jilicsan ama uu warwar ka hayo howl la’aan tiinee intaad wakhtiga iyada ku luminaysaan waliba Idirisoow ina Kahin ka wardoon intuuna Dhangada adiga kula soo gaadhin.
 
Hadal iyo dhamaan waxaan leeyahay Ikraaneey ha iilan, howlaha aad noo haysana halkaa ka sii wad tol baa kuu oge,
 
Midyarna aan u raaciyo Madaxwayne Rayaale: Lama huraan waa cows jiilaale waataa Dhengadaha la soo sitee miyaad Buulkaagii iska doob doobtid.
 
Nabadgelyo

Yasin Hussein

Email: Yasin Hussein, yasinhussein@yahoo.com