December 17, 2006
Maayarka Boorama oo mar kale ka badbaaday in xilka laga qaado
Maxamed Cumar, Harowo = Boorama, Dec. 17-06- Maayarka Boorama, Cabdi Shide Bile, ayaa mar kale ka badbaaday in Golaha deegaanka Boorama uu xilka kaga qaado fadhi an caadi ahayn oo saaka loo ballansanaa.
Ololahan u dambeeyey ee lala maagganaa Maayarka oo soo baxay ilaa afar maalmood ka hor ayaa xubno ka tirsan Golahaasi abaabaabulayeen sidii loo qabana lahaa fadhi an caadi ahayn oo degdeg xilka loogaga qaadi karo maayarka Boorama oo xilka hayey wax ka yar 6 bilood, shirka ayaan saaka u qabsoomin xubnihii doonayey kaddib markii olole siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo xilka qaadista maayarka ay qaadeen xubno kale oo isla Golahaasi oo uu horkacayey Maayarka lafataiisu, taasoo keentay in aakahirataanklii toddoba ka mid ah xubnaha golaha ee u ololaynayey fadhigaasi ay ka baxeen inuu qabsoomo shirkaasi, halkaana laga ogaaday inaan kooram shirka lagu qaban karaayi aanu jirin.
.
Arrinta kale ee saaka suurtagelin weyday xil ka qaadiista Maayarka, ayaa loo nisbayan karaa dareenka shacbigu ka muujiyeen arrintaasi, iyagoo qaarkood si cad u sheegay in hawsha Goluhu anay noqon kanna rid kanna saar ee loo baahanyahay in dadweynaha loo adeego.
Ciidanka Booliska Boorama ayaa dhinaca kale waxaya kala didiyeen dadweyne saaka halkaa isugu yimi iyo koox weriyayaal oo wax weydiinayey, iyadoo ciidanka amnigu ku wargeliyey dadweynaha inaan loo baahnayna buuq, isla markaana aanay waxba iska beddalayn maamulka Golaha.
Ololahan u dambeeyey oo sida la tuhunsanyahay ay ku jireen xubno ka tirsan maamulka sare ee xukuumadda, ayaana la ogeyn sababta sida degdegga ah loogu soo abaabulay.
Olole kan ka horreeyey oo la doonayey in kursiga lagaga tuuro Maayarka saddex bilood ka hor, ayaa sidoo kale xildhibeenadii u hawlgalay ku guuleysan waayeen inay qabtaan kulan an caadi ahayn oo xilka lagaga qaadi karo Maayarka. Ilaa imika lama garanayo sababta keentay in si degdeg ah loo abaabulo mooshinkan u dambeeyey.
