December 13, 2006
Laba Maayar oo la Baaxaa-degaya Duruufo Isku Mid ah
Wajaale (Jam) - Labada Maayar ee magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley, Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Xuseen Muxumed Axmed (Jameeco), ayaa shalay gelinkii dambe kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaalada Wajaale ee xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Labada Maayar oo kulankoodu ka dhacay hoteelka la yidhaahdo ‘Centeral Hotel’ ee magaalada Wajaale, waxa kulankaas ku weheliyey xildhibaanno ka tirsan labada gole degaan ee Hargeysa iyo Gabiley. Labada Maayar ayaa xilligan waxa soo food saartay duruufo isku mid ah, iyada oo mid waliba uu la baaxaa-degayo sidii uu isaga moosi lahaa loolan culus oo kursi-ku-dirir ah oo loogu ololaynayo sidii xilalka looga qaadi lahaa labada Maayar. Kulanka labada Maayar ee shalay oo ahaa mid fadhi-qayilaadeed ah, waxa uu socday muddo ilaa shan saacadood ah [duhurkii ilaa caweyskii xalay].
Ma jiro war rasmi ah oo kulankaa ka soo baxay, balse ilo xogogaal ah oo Jamhuuriya helay ayaa tibaaxay in labada Maayar ay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen ololaha la doonayo in xilka lagaga qaado labada Xuseen, iyada oo horraantii toddobaadkan ay 13 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa soo jeediyeen in uu Maayar Jiciir u qabto shir aan caadi ahayn, kaas oo ay ku doonayaan in ay xilka kaga xayuubiyaan, iyada oo xilligii kama dambaysta ahaana ay innaga xigto maalin keliya.
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Hargeysa, ayaa maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa sidii uu u heli lahaa cod aqlabiyad ah oo uu kursigiisa ku difaacdo, iyada oo kulanka shalay ee Wajaale ay ku weheliyeen shan mudane oo ka mid ah taageerayaashiisa Golaha Degaanka. Sida oo kale, toddoba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Degaanka Gabiley, ayaa iyaguna horraantii toddobaadkii hore soo qadimay mooshin ay ku dalabanayaan xil-ka-qaadista Maayar Xuseen Jameeco.
Labada Maayar Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Xuseen Muxumed Axmed (Jameeco), ayaa u muuqda laba nin oo duruuf wadaaga, maalmaha soo socdana ay caddaan doonto in ay kuraastooda sahaydaan xildhibaannada maamulkooda saluugsan iyo in ay ka samatabixi doonaan.
Source: Jamhuuriya Online






