December 13, 2006

Hala Ixtiraamo Isku Duubnadida Beesha Ciidagale oo Hala Tixgaliyo Codsiga Wasiirada

Waxa isa soo tarayay baryahanba mooshin xilka xayuubista maayarka Hargeysa mudane Jiicir oo ay soo jeediyeen 13 xildhibaan oo ah golaha dagaanka Hargeysa. Codsigan oo ay  durbaanka u  garacayaan 13 xildhibaan oo ay ka mid ihiin Yussuf Kirix, Khadar A. Like oo isagu si gaar ah u doonaya inuu ku fadhisto kursigan maayarnimadda Hargeysa, Jaamac shabell oo ah xildhibaanada doonaya  in ay u cumaamadan mudane Khadar axmed Like.  
 

Waxase iyana ka biyo diidan mooshinkan xil  ka xayuubista xilka maayar Jiicar beesha cidagaale inteeda badan sida ka muuqata saxaafadda. Waxa ay saxaafadda u sheegen laba xildhibaan oo kala ah Yussuf Kirix iyo Jamac shabell in ay u yeedhen sadexda wasiir ee beesha cidagale ugu jira dawlada kuna taliyeen in loo daayo maayarnimadda casimadda Hargeysa mudane Jiciir taas oo ay ka biyo diideen xildhibaanadii loo yeedhay ee ka tirsanaa kooxda mooshinka hor kacaysa. 
 
Waxaan leeyahay looma baahna in ay dhibaato kale qeybsa beesha Daa’uud Garxajis la arooso ama la abuuro waayo haddii ay ku kala qeybsamaan xilka xayuubista maayarku waxa ay horseedi karta cawaaqib xumo iyo shaki soo kala dhexgala beesha cidagaale.
 
Waxan aad ugu mahadnaqayaa ama u taageersanahay wasiiradda xilka iska saaray in ay kala saaran labada mudane ee doonaya inuu midna sii fadhiyo kursiga maayarnimadda waa Jiicir’e midna doonayo in lagu fadhisiyo kursiga maayarnimo waa Khadar’e, waxan haddaba leeyahay xildhibaanada ka soo jeeda beelaha kale ee aan ahayn Cidagale fadlan tixgaliya isku duubinida cidagale oo ixtiraama talada ay idin siiyeen saddexda wasiir ee ay beeshu leedahay maadamaa aad wadaataan  nin ka soo jeeda beesha cidagaale (Mudane Khadar Axmed Like).
 
Waxan iyana leeyahay xildhibaanada Sacad Musa iyo kuwa kale ee ku jira golaha dagaanka ee hor kacaya mooshinkan ka xayuubista xilka maayarka Hargeysa fadlan ha u qaadanina talo bixinta cidagaale iyo shirarkoodaba mida ay ka leeyihiin ujeedooyin kale, waxa kaliye ee aan aaminsanahay in ay ku kaliftay talo bixinta beesha cidagaale in ay tahay xilkaasi ama kursiga maayarnimada oo ay ku  hirdamayaan laba nin oo ka soo wada jeeda beesha cidagaale.
 
Waxan iyan leeyahay xildhibaanada mooshinkan hogaaminaya saaxiibayaal ma idin la tahay inuu dhaamayo Khadar mudane Jiicir? rajo intee leeg banad ka qabtaan? waa su’aal.
 
Waxan leeyahay xildhibaanada soo jeediyay mooshinkaasi xilka ka xayuubistu haddii uu idin ka yahay daacad fadlan ka fiirsada wixii khasaare iyo faa’iido u keeni karo (Isbadalkuna waa inuu ku yimaado hab waafaqsan sharciga iyo cadaalada).
 
Waxan ku soo gabagabeynayaa maqaalkeygan ilaahay ha idin waa fajiyo dariiq saxa ah.
 
 
Cumar Daarood Xassan
Norway..

Sporce: Hargeysa News