December 13, 2006
“Reer Burcow Xadhiga Waad Neceb Tihiin, Laakiin Waxa Keenaya iska Daaya” - Cali WarranCadde
Burco (Jam) - Weftigii isugu jiray golayaasha qaranka oo uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo muddo laba toddobaad ah ku sugnaa magaalada Burco ayaa shalay si rasmi ah u soo afjaray muran ka dhashay baaq ay hore u soo saareen Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo koox wadaado ah.
Munaasibadda shalay lagu soo khatimayey arrintan oo lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Togdheer, isla markaana ay ka qaybgaleen weftiga xukuumadda iyo in ka badan boqol xubnood oo ka mid ah madax-dhaqameedka iyo waxgaradka reer Burco ayaa guddi isku dhafan oo loo saaray xallinta arrintan, kuwaas oo ay xubno ka yihiin kooxdii baaqa soo saartay, waxayna kaga dhawaaqeen goobtaas go’aamo ka kooban afar qodob oo lagu gunaanaday dhacdadan.
Go’aamadan laga gaadhay arrintan waxaa ka mid ah:
- In beesha galbeedka Burco ay aqoonsantahay kana dambaynayso shuruucda iyo qawaaniinta u taala Somaliland;
- In beesha galbeedka Burco aanay soo saari Karin baaqyo aanay u dhammayn ama aanay cid u igman;
- In shuruud la’aan lagu sii daayo Suldaan Cismaan Suladaan Cali iyo xubnaha la xidhan;
- In la fuliyo ku dhaqanka Shareecada sidii madaxwaynuhuba ku dhawaaqay.
Guddoomiyaha guddida xallinta Cawil Yuusuf Dhiif oo ka hadlayey arrintan ayaa sheegay inay go’aamadani ku soo urureen isfaham.
Sida oo kale, Cabdi Xaashi Xuseen oo u hadlayey magaca guddida hore u soo saaray baaqa muranka dhaliyey ayaa caddeeyey in ay ka tanaasuleen nuxurka baaqoodii hore, kadib markii ay u arkeen inuu dhaliyey isfaham la’aan iyo cunfi. Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka mid ah Golaha Guurtida ayaa xusay in baaqan loo arkay inuu waxyeello ku yahay qaranimada Somaliland, “Arrintan oo kale hore ayey dhibaato u keentay oo waxay ahayd fedaraal ayaanu nahay, haddaanu reer hebel nahayna dhib ayey keenaysaa,” ayuu yidhi Md. Waaye.
Wasiirka Hawlaha Guud, Md. Siciid Sulub Maxamed oo u hadlayey dhinaca xukuumadda ayaa caddeeyey in ay xukuumad ahaan ku qanceen go’aankan, isla markaana aanay u qabanayn dhacdan cid dambe u qabanayn. “Baaqan kama madhnayn gacan dibadeed oo wasiilo looga dhiganayey in xukun lagu helo, waxaanu si wayn u dhaawacay sumcadda qaranka iyo golayaasha, Burcona yaan koox yari wareerin,” ayuu yidhi Md. Siciid Sulub.
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Md. Cali Maxamed Warcancadde, oo ka hadalka xilligan ee shareecadda Islaamka ku tilmaamay inaan Somaliland diin iyo dawlad toona uga daba fadhiisanayan koonfur. Wasiirku isaga oo ku kaftamaya arrintaasi waxa uu yidhi; “Horta qoladiinan rer Burco xadhigga waaad neceb tihiin, laakiin waxaan idin leeeyahay waxa keenaya iska daaya oo iska daaya hebel ayaa ciidan isku wareejiyey, waayo, waxaaan u malaynaa waa baqdin. Aniga laftayda beri aan is-qabanay Xaajigii [Marxuum Cigaal] ayaan ciidan isku wareejiyey oo waan baqay, markaa idinkula yaabi maayo oo baqdintu way jirtaa.”
Ugu danbayn, Suldaan Maxamed Xirsi Qani, oo xafladdaa hadal kooban ka jeediyey ayaa daboolka ka qaaday in baaqan ay qaranka Somaliland ka raalli gelinayaan, isaga oo xusay in aan lagu deg-degin xadhiga Salaadiinta. Waxaannu intaa ku daray in aan isku xukunka shareecadda cidina diidayn, balse ay habboon tahay in marka hore nin waliba gurigiisa ka soo bilaabo, ayse khalad tahay in xukuumaddii aynu igmanay laga barbar dhiso maamul kale.
Source: Jamhuuriya Online






