November 29, 2006
Tobobar u Furmay Guurtida iyo Wakiillada
Hargeysa (Jam)- Tobobar ku saabsan sidii shuruucda xeer-dejinta oo shalay mudanayaasha labada gole uga furmay Hotel Maansoor. Tobabarkan oo socon doona saddex maalmood, isla markaana u soo qaban qaabiyay maxadka caalamiga ah ee lagu magaacaabo International Republican Institute ee dalka Maraykanka. Waxay muddada u socdo waxay xildhibaanadu ku baran doonaan culuum ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya waddamada leh labada gole [Guurtida iyo Wakiillada] sida Somaliland iyo isbar-bar dhiga golayaasheena iyo kuwa dunida.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi hadal uu ka jeediyay ayaa waxa uu mahadnaq u jeediyay maxadkan soo qaban qaabiyay tobabarkan, oo uu xusay in hore Somaliland uga taageereen hirgelinta dimuqraadiyadda iyo hawlihii saddexda doorasho ka qabsoomay.
Md Cirro waxa uu sheegay in tobabarkan oo muhiimad weyn u leh hawlaha xeer-dejinta ee golaha wakiillada uu bixin doono khabiir u dhashay dalka Kenya Hon Peter Oloo, oo ah mudane muddo 30 sanno ka tirsan barlamaanka dalkaas, in badanna Wasiir ka ahaa dawladdii Daniel Arab Moi, isla markaana si weyn ugu ololeeya sidaas darteedna xildhibaanada looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan aqoonta iyo khibrada u u soo gudbin doono muddada tobobarkan socda.
“Khabiirkan ka socda dalka Kenya oo ah nin u olololeeya gooni-isu-taaga Somaliland, waxaannu qoraal u qoray Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkiisa, oo uu ka codsaday in qaddiyada Somaliland la keeno meelaha ku haboon sida IGAD, AU-da,isla markaana la soo dedejiyo sidii ictiraaf u hli lahayd Somaliland, waxa kale oo Mr Hon Peter Oloo mar uu tagay dalka Ingriiska waxa uu sheegay inuu si weyn ugu ololeeyay qaddiyada Somaliland, isla markaana aanu ka hadhi doonin arrinta ictiraaf raadinta dalka,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, oo mudanayaasha uga warramayay shakhsiyada iyo aqoonta khabiirka reer Kenya ee duruusta siinaya.
Source: Jamhuuriya Online






