November 29, 2006

Qaar Ka Mid Ah Ardayda Dugsiyada Sare

Boorama, November 27, 2006 (Haatuf) – Qaar ka tirsan ardayda Dugsiyada sare ee Boorama ayaa dareen caddaalad darro ah ka muujiyey sida Xafiiska imtixaanaadka Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargeysa u maamulo natiijada imtixaanaadka laga qaado Dugsiyada sare ee Somaliland.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, qoraal arrintaas ku saabsan oo ay Haatuf soo gaadhiiyeen xubno ay soo wakiisheen ardayda dhigata dugsiyada sare ee Sheekh Cali Jawhar iyo Al Aqsa, lana kala yidhaahdo Axmed Faarax Iidle (afhayeenka Guddiga ardayda) iyo Maxamed Daahir Riiraash, ayaa kaga hadleen arrimaha ay ku tuhmayaan xafiiska imtixaanaadka Somaliland, iyagoo tilmaamay inaanu xafiiskaasi daacad ka ahayn natiijada imtixaanada laga qaado ardayda ee uu soo saaro, taas oo ay ku tilmaameen in laga dareemi karo caddaalad darro iyo eex.

Qoraalkaas waxa kale oo ay ardaydaasi kaga cawdeen ama soo hadal qaadeen natiijadii imtixaanada Dugsiyada sare ee Boorama, taas oo ay ku tilmaameen inay natiijadaasi ahayd mid aanu xafiiska imtixaanaadku daacad ka ahayn, isla markaana uu ugu talogalay in hoos loogu dhigo waxbarashada dugsiyada sare ee Boorama si aakhirataanka looga reebo deeqaha waxbarashada ee dalalka saaxiibka ahi siiyaan Somaliland, looguna sed-buriyo gobolada kale sida gobolka Hargeysa.

Sida ku xusan qoraalka ardaydaasi, waxay ku tilmaameen in Xafiiskaasi ku talogalay inuu hoos u dhigo natiijada imtixaanada ardayda dugsiyada gobolkan oo dhan, soona saaro natiijooyin been ah oo kor loogu qaadayo natiijada intixaanada gobolada kale, taas oo ka muuqata ayey yidhaahdeen in ardaydii gobolkan ka gashay imtixaankaasi laga waayey kaalimihii hore ee lagu yaqaannay, isla markaana derejooyin dheeraad ah la siiyey dad ama arday dhigata dugsiyada kale ee Somaliland oo aanay mutaysan si ardayda reer Boorama u noqdaan kuwa ugu tirada yar leh ee ka faa’iideysta deeqaha waxbarsshada dalalka saaxiibka iyo kuwa islaamkuba siiyaan Somaliland. Sidaa darteedna waxan codsanaynaa ayey yidhaahdeen in xafiiska Diiwaangelinta imtixaanada Somaliland beddelo siyaasaddiia ku waajahan imtixaanada si xaq ahna uu u soo saaro.

Source: Haatuf News