November 6, 2006

Kaalinta Haweenka Somaliland Ay Kaga Jiraan Siyaasada

Abubakar Xasan Caafi, Harowo = Boorama, Nov. 6-2006–Jamhuuriyada Somaliland haweenka ku nool siyaasada kaalin fir-fircoon ayay kaga jiraan, in kasta oo haweenku mudo dheer u ololaynayeen sidiin loo ogolaan lahaa siday haweenku uga qayb qaadan lahaayeen hogaaminta dalka. Hadaba xukuumada dalka ka talisa ayaa waxay ogolaadeen inay haweenku ka qayb gali karaan hogaaminta dalka, waxaanay xukuumadu taladaasi go’aansatay kolkii loo diyaar garoobayay doorashadii golayaasha deegaanka mudo haatan laga joogo “4sano” afar sanadood.

Imika waxaa ku jira golayaasha wakilada Somaliland haween gaadhaya ilaa 10 haween oo magaca dumarka ugu jira siday siyaasada dalka uga hawl gali lahaayeen. Waxaa iyadna kaalin lama ilaawaan ah kaga jirtay siyaasada haweenaydii isku soo sharaxday madaxweynaha dalka sanadkii 1996 wakhtigaasi oo dalka laga waday inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Somaliland.

Raadiya rooda cali oo ah haweenay reer awdal ah, isla markaana ah haweenaydii isku soo sharaxday madaxwaynaha dalka doorashadiisa inay ka qayb qaadato, lana odhan karo waa hooyadii ugu horeysay ee dumarka ku dhiirigalisa inay siyaasad kaalintooda ka gali karaan. Raadiya rooda waxay doonaysaa inay maanso ay u dirayso (waa siday hadalka u tidhiye) Somaliland, Waxayna doonaysaa in looga soo jawaabo maansadasi.

Waxayna ku bilowday sedan:

  • Mujtamac dooni shaakiman qalbi sheeda kala laacday, oon kala soo baxayn soomaliland sheeg hadaad garan.
  • Shan gamaan ah oo duulimaad loo shakameeyey, oon libin shakaalaha ku sidan ii sheeg hadaad garan.
  • Guulaamo roob oo onkoday, Somaliland ii sheeg hadaad garan.
  • Uba subag oon soorta galin, Somaliland ii sheeg hadaad garan.
  • Umad shallow shanshada kaga dhacay shayna kabi waayay, Somaliland ii sheeg hadaad garan.
     

Wariye:  Afi warka_awdal@yahoo.com