November 5, 2006

Kuwii Cade Muuse Sool Martida Uu Ugu Ahaa, Ha Iska Daayaan Aflagaadada

Waxaa ayaan daro ah kuwii sheegtay inay xoreeyeen dalka S/land una soo dhintay inay saxaafadaha iyo khayriyadaha ka sheegaan in gooni isku taaga S/land muqadas yahay , xukuumaduna ayna diyaar u aheyn jiritaanka ama aqoonsiga sidii loo baadi goobi lahaa ay hortaagan tahay .

Hadaba waxaa la yaab leh marka doorasho dhacdo ee sanduuqyo la dhigo gobolada iyo degmooyinka dalka kii lagaga guulaystay doorashadaasi bulshada S/land ku aamini wayday haykalka dawladnimo in ayna ku qanacsanayn go’aankii ka soo baxay ummaddii codaysay.                                                                                                                                                                   

Waxaan u sheegaynaa ina Kaahin iyo dhagawaynow miyaanad ahayn kuwii shalay ama daraad Laascaanood qabsan kari waayay, shalayna martida uu ugu ahaa Cada Muuse, maantana Sool uu ugu noqday Cada Muuse oo aan u dhalan G/Sool oo Cada Muuse hortooda ugu dhaartay in halkan calan Somaliyeed mooyina aan mid kale la sudhayn. Waxaa ayaan daro ah in shacbiga dhagaysanaya kuwa cadaystay burburinta S/land, isla markaana doonaya in la qoqobo oo waxay ka baxeen lagu soo celiyo oo la iska hor keeno .

Waxaan hadaba kula talinayaa raga noocaasi  ah oo ay ka mid yihiin C/raxmaan Awcali iyo  Ina Biixi oo dhamaan tood lagu tiriyo inay ku dhex meelmeen oo talaabo kasta oo xukuumadu qaado goorkasta carqalad galiya in ay ka waantoobaan dhaleecaynta ay ku hayaan xukuumada, waana in ay si anshx leh u sugaan doorashada dembe. Wixii ay ku dhaliilayaan xukuumada waa in ay la sugaan doorashada oo ay markaa dadka u soo bandhigaan.                                                                  

By Axmed C/laahi Nuur
Boorama, S/Land.

Wariye: Afi warka_awdal@yahoo.com