November 4, 2006
Muuqaalka Kastamada Somaliland kala leeyihiin Daawo Sawiradana
Safar uu weriye Hashim Goth ku maray kastamada Borama, Kalabaydh iyo Abaarso, ayuu ku eegayaa muuqaalka, kala duwanaanshaha iyo sida uu u Arkay goobahaas.
Hashim Goth. Harowo=BOORAMA, 03 Nov-2006– Kastamka Magaalada Boorama ayaan maray subax hore oo ahayd cabaar 7:30 am, wakhtigaas waxa la cashuurayay JAADKA ka yimaad dhanka Ethoipia, waxaana kastamka ku sugnaa dhamaan shaqaalaha wasaarada Maaliyada iyo Madaxa Kastamka Borama Mr.Saleebaan. Miisaanka oo ahaa midka fadhiga ah ayaa la saarayay Baagaga uu jaadku ku jiray, waxaana qorayay miisaanka shaqaalaha Maaliyada iyo Shaqaalaha Jaadka.
Kastamka Boorama waa Jiingad ay marsan tahay ranji cadaan,casaan iyo doog ah, oo loo ekaysiiyay Calanka Somaliland, waana laba qol oo la ii sheegay in ay kiro yihiin, isla markaana jagada ay ku taal uu leeyahay ganacsade magaalada Borama ka tirsan, waana meesha uu ku yaal Kaantaroolka Borama.
Isma odhanaysid waa kastam ku yaal caasimad gobol IWM ah.
Kastamka Kalabaydh ayaan maray hadana wakhti ay tahay 9:00 am wakhtigaas oo ay joogeen cashuur qaadayaal miisaamayay Jaad uu siday TAXI Mark II ah, waxaana la ii sheegay in maamulihii kastamku ku maqan yahay Gabilay uuna tegay Geeridii Agaasimaha waaxda D/hoose ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mr.
Ismaaciil Ilahay ha u naxariistee oo lagu Aasay Gabilay.
Kastamka Kalabaydh waa mid aad u balaadhan isla markaana haysta meel balaaran waxaana ku wareegsan deyr weyn, xafiisyana way ka dhisan yihiin, dhismuhu waa midkii dawladii hore iyo kuwo cusub intaba. Miisaanka aan Kastamka Kalabaydh ku arkay waa midka ay Baabuurtu koraan iyaga oo badeecada sida,
Kastamka Abaarso waa CHECK POINT waa meel lagu hubiyo badeecadaha in la soo cashuuray iyo in kale, waana dhisme fiican oo ay dhistay wasaarada Maaliyada Somaliland, ismana odhanaysid meeshan ayaa ah Check Point. waxayna ku taal jidka laamiga dhiniciisa. Miisaanka aan Abaarso ku arkay wuxuu la mid ahaa midkii aan ku arkay Kalabaydh oo waa ka baabuurtu ay fuulaan iyaga oo badeecada sida, waxaana la kala gooyaa miisaanka baabuurka, halkaasna waxa ka soo baxa miisaanka badeecada uu sido.
Hadaba markaad isbarbar dhigto dhismayaasha waxaa kuu muuqanaya sida aysan wasaarada maaliyadu iskaga xilsaarin amaba u xaqsoorin Kastamada Dalka, qofka arka Kastamka Borama wuxuu odhanayaa ama isweydiinayaa yaa cunay dhismihii kastamka Borama ? ma wasaarada ayaa halmaansan ? Mise Wasiirka ayaan Arag weli Kastamkan Cashuurta lagu qaado ee Borama ? iyo suaalo kale oo badan
Kastamka Magaalada Boorama oo ah qol kaliya oo ka samaysan Jiingad
Kastamka Magaalada Boorama oo la miisaamayo Jaad si loo cashuuro
Kastamka Magaalada Kalabaydhka oo leh xafiisyo kala duwan iyo dayr.
Check Point Abaarso oo ay dhistay W/Maaliyadu, Laguna xaqiijiyo badeecadaha la soo cashuuray iyo kuwa kale.
Xarunta dhexe ee wasaarada maaliyada Jumhuuriyada S/Land.
Wariye: Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com








