November 3, 2006

Madaaarka Hargaysa oo Isbedel ka muuqdo ( Halkan Ka Daawo )

Hashim Goth, Harowo = HARGAYSA, 01 Nov. Madaarka Hargaysa ayaa waxa uu yahay madaarka keli ah sida xooga leh dadku uga dhoofaan ugana soo degaan Somaliland, Madaarka ayaa waxaa mudooyinkan dambe ka socda shaqooyin aad loogu hagaajinayo bilicdiisa, hadaba mar aan booqday madaarkaas waxaan indhahayga ku soo arkay isbedelka ka muuqda Madaarka hargaysa, markaan waraystay dad meesha joogana waxay ii sheegeen in isbedelkan uu sameeyay wasiirka cusub ee duulista Hawada Mr. Warancade.

Madaarku maalintan aan booqday wax diiyaarad ahi kama soo degayn, waxaana ka socday shaqooyin lagu hagaajinayo, shaqooyinkaas waxaa kamid ahaa Silig lagu xidhayay Hareeraha Wadooyinka si looga ilaaliyo xoolaha soo galaya iyo Jardiinooyin dadku ku nastaan oo loo samaynayay.

                                       Qayb Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa, Somaliland

                                  Mdaarka Magaalo Madaxda Somaliland, Hargeysa

               Terminalka Madaarka Hargeysa

                             Madaarka Hargeysa Gudihiisa oo lagu rikibay qalabka sheega Birta ama hubka

Wariye:  Hashim Goth   hashimgoth@hotmail.com

Login