October 29, 2006

LABADII TALYAANIYADOOD EE XAMAR IYO BOORAMA LAGU DILAY MAXAY IS DHEERAAYEEN?

Salaanta islaamka ka dib.
 
Aduunka maanta waxaa la gaadhay in mediahu uu noqdo meel umad dhisan laga baabiin karo umad baaba`ana laga dhiso karo, waxaana Markhaati ah Xamar oo baaba`a ahayd waxaa lagu dhisay oo dib loogu soo nooleeyay war is gaadhsiin ha ugu horeyso BBC.

Somalidu. Somaliland oo dhisnayd oo nabad iyo caano joogtay lakiin maamul xumaydna waxaa socota in hadal iyo qoraal lagu baabii`iyo iyadoo dawlada iyo dadka dhan ee halkaa joogaa ay awoodi kari la yihiin inay si xaqiiqa uga hadlaan ama wax uga yidhaahdaan dhagaraha ay maaleegayaan dadka diidan nabada iyo kala dambeynta halkaa ka jirta.
 
Waxaa jirtay in habar Talyaani ah lagu dilay magaalada Boorama, habartaas oo dadka aan awoodin ka caawin jirtey arimo ku saabsan caafimaadka, sidoo kale waxaa magaalada Xamar lagu dilay Duq iyadunaTalyaaniga u dhalatay oo ahayd kuwa la yidhaa Noonada ee diinta masiixiga fidisa.

Ma aha labada habrood oo qudha dadka lagu dilay wadanka Soamliland iyo Somalia waxaa jiray oo kale in magaalada Muqdisho lagu dilay nin wariye ah oo ka socday dalka Sweden halka Somali land lagu dilay dhawr qof oo kale oo ajanabi ahaa. Hadaba aynu su`aal is waydiino dadkii dadkaa la`aayay xaaladahoodu waa sidee sideese ay samayn ugu yeeshaan meelaha ay dadka ku laayeen.
 
Waxaa jirta in Magaalada Muqdisho intii ay gacanta ku hayeen maxkamadaha Islaamiga ahi, ay ka dhaceen labada dil ee midna lagu dilay ninka wariyaha Swedeshka ahaa midna lagu dilay duqda Itlay u dhalatay ee Nuunada ahayd. Labadaa qof dilkooda waxaa u xidhan dad u dhashay deeganada lagu dhex dilay oo imika ku jira Xabsiyada Maxkamadaha Islaamiga ahi ay gacanta ku hayaan.
 
Dhanka Somaliland oo lagu dilay dad badan oo Ajanabi ah ayaa waxaa ciidanka Amaanka ee Somaliland ay ku gulaysteen inay gacanta ku dhigaan inta badan dadkii dilalkaa ka danbeeyay, kuwaas oo ku jira jeelasha Somaliland.
 
Waxaa hadaba aan akhristayasha waydiinaya yaa wali arkay ama maqlay meel lagu hadal hayo dadkii loo qabtay dilalka Xamar ka dhacay?. Somaliland dadkii loo haystey dilalkaa waxaa la gaadhsiiyay heer cajalado laga duubo heer la yidhaa dadka meesha dagani waa gaalo, heer la yidhaa Tigreega iyo Yuhuuda ayay gaalnimada uga horeyaan. (Fanacaada bilaah in umad muslina lagu sheego Yuhuud iyo gaalo).

In qof bini`aadama la dilo oo bilaa sabab lagu dilo yaa baneeyay?. In Habartii Talyaaniga ahayd ee Muqdisho lagu dilay tii Boorama lagu dilay ay ka sharaf badnaato yaa baneeyay?.
 
Al Qasti waxaan u soo jeedin lahaa dadka reer Somaliland gaar ahaan inta Somalilandnimda ogal, inay aad uga fiirsadaan in la iska hor keeno oo la baaiyo amaanka iyo karaamadooda, iyadoo la adeegsanyo barobagaandooyin iyo dacaayado qayral caadi ah oo ka fog xaqiiqada.

Dadka kale ee Somalida ah waxaan u iyagana kula talin lahaa inta waliba u jeeda ama qastigoodu yahay inay dadka Somaliland degan baabiiyaan oo ay been ku baabiyaan ka jooga waxba ka faa`iidimaysaane. Anigoo caqliyaga kaashanaya waxaan kula talin lahaa dadka reer Somaliland inay aad u tixgaliyaan talooyinkan.

1. Inay Dawlada Somaliland wixii ka khaldan la saxo iyadoo aan khaladka jira meel gaara iyo cid gaara midna aan lagu xumayn, waa in si wada jira muxaafid, mucaarad, shicib iyo dawladba la saxaa oo meel looga soo wada jeestaa wixii dadka iska hor keenaya. Waliba dawlada uu M/weyen Riyaale hogaaminaya waa inay bedshaa sida xaaranta ah ee cadwogu ka faa`iideysanyo ee ay wax u wado.
 
2.
In diinta Islaamka aan laga dhigeyn shay imika la baranayo oo waliba laga baranyo rag shalay mooriyaan ahaa maantana New Muslin ah, laakiin waa in diinta islaamka la dhigaa shay muxtarima oo la haystey oo ah kii lagu wada noolaa lana dhamystiraa inta aan diinta la qaadan. Diinta oo qeyb la qaato qeybna laga taagaa waxay ka dhigan tahay diintii oo laga wada tagey. Waxaa markaa haboon iyadoo aan cidna lagu masayrin oo aan la isu dhiibin in diinta sideeda loo qaato.
 
3.
In Culimada Somaliland ay iyagoo midaysan go`aan gaadhaan oo aanay noqon qaar la fadhateysto oo qaarna Somaliland racaan qaarna Xamar iska xaadiriyaan. Maanta waa maalin Culimo, ma aha maalin Cilmaani iyo maalin Kornayl toona. Habar habar loo waayay waa hoog, waa in ay noqotaa gadhba gadhbaa la tusaa oo Culimda Somaliland ay u soo jeestaan inay iyagoo diinta raacaya midaysana, ay dadka ka ilaaliyaan in la iska hor keeno oo shaki iyo khalkhal lagu abuuro. Dawlada Somaliland waa inay ku dirqiyaaan inay dadka ka dayso maamul xumada, musuqmaasuqa iyo beenta dadka qayrkood ka reebtay ee aan dhamaadka lahayn.
 
Osman Omar Dool
Oslo Norway 

Osman Omar Dool omardool@hotmail.com