October 24, 2006
Ka Daawo Halkan, Sida Magaalada Boorama looga Ciiday Sanadkan
Hashim Goth, Harowo = BOORAMA 23 Oct. 2006–Magaalada Boorama ayaa maanta si fiican looga ciiday ciidan Ciidal Fidri, Dadka ku dhaqan magaaladu waxay ku soo kalaheen Masaajidada, Halkaas oo Salaadii Subax ka dib laga bilaabay Takbiirta, Intii aan Salaada la galin waxa wadaadu bilaabeen Wacdi Soomaali ah oo dadka loogu sheegayay Fariimo xambaarsan khayrka Ciida iyo Cibaadada Ilaahay.
Dhanka kale Sanadkan waxaa jiray hoos u dhac marka loo eego Ciidihiii Sanadadii hore, sababtuna waxay tahay dhanka dhaqaalaha, oo dadka badidiisu ku xidhan yihiin wax looga soo diro Dibada, maalmihii u dambaysayna dadku waxay aad u joogeen Xawaaladaha lacagta laga qaato. Shaqo la’aanta oo aad ubadan waxay dad badan oo danyare ahi awoodi kari waayeen in ay ubadkooda ciidsiiyiin, sida dhaqanka Somalida ku jirtana waxaa qof walba oo awoodi waaya in uu caruurtiisa ciidsiiyaa uu sameeyaa, in uu qof ay Macrifo ama Qaraaba yihiin oo wax haysta uu iska xaadiriyo, si uu uga helo xoolaha Sakada ah ee uu bixinayo in uu wax uga qadhiidho.
Dawlada Somaliland ayaa iyadna soo dirtay Wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasim Sh.Yuusuf si uu reer Borama ugala qayb galo Ciida, Wasiir Qaasim oo aan Saaka kula kulmay Hutelka RAYS oo uu deganaa ayaa ka gaabsaday in uu ii sheego wax war ah ama fariin ah oo uu shacabka uga sido M/Weynaha Somaliland Daahir Rayaale oo uu sheegay ama u sheegi doono. keliya wuxuu carabka ku dhuftay in uu la tukaday iyo in isaga loo soo diray Boorama cid kale oo la socotayna jirin.
Wakhtigii M/weyne Cigaal ayay dadku ku xasuustaan wasiiradii u dhashay Awdal ee Raxanta u iman jiray Boorama iyaga oo dadku ka heli jiray XAQAL ciid ama GACAN marin siyaasadeed, waxa kale oo u dheeraa la socodsiinta Siyaasada dalka iyo halka la marayo. waayadan dambase waxaad moodaa in taa hore oo kale meesha ka baxday.
Caruuraha ayaa iyagu ugu badnaa suuqyada Magaalada, waxay raacayeen Gawaadhi waxa kale oo aad ku Arkaysay Caruurta iyaga oo Waalidkood la socda oo la keenayo Huteelada waaweyn iyo Macmacaanlayaasha. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sh.yuusuf oo munaasabada ciida kale qayb galay dadweynaha reer boorama
Salaadii ciida oo masaajiida magaalada Boorama la buuxshay
Suldaan Ibraahim Jaamac iyo Oday Faaliye iyo Wiil Kale
X.Cali-Dhuux Ibraahim, Maxamuud Sayid Sulayman, Guleed Maxamuud Ayeh, Xildhibaan Axmed/Yasiin Sh.Cali Ayaanle
Ciyaalkii magaalada Boorama oo farxadi ka muuqato, si fiicanna loogu soo la bisay
Qoys ka mid ah dadka magaalada Boorama oo ciida u dabaadegaya, ka muuqato farxad
Wariye: Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com

