October 15, 2006
Wargayska Haatuf Oo Burco Lagu Gubay
Hargaysa—-koox cadhaysan ayaa shalay ku gubay magaalada Burco nuqulo cadadyo kala duwan oo wargayska Haatuf ahaa, kuwaasoo la sheegay in ay soo ururiyeen dadka falkaa gaystay ee hormooda ka ahaa.
Sida uu ku soo waramay wariyahayga gobolka Togdheer waxa fulintii falkaa ka muuqday koox dhalinyaro ah, kuwaasoo la sheegay inuu hormood u ahaa Nin lagu magacaabo bashiir Cabdilaahi Aadan. Warku waxa uu intaa ku daray, oo uu ninkaasi waryayaasha u sheegay in sababta ay joornaalka u gubeen ay la xidhiidho warar uu sheegay in ay been ahaayeen, oo uu ku dooday in wargaysku ka qoray, niman wadaado. “wargayskan mudo dheer macaamiishiisa ayaan ka mid ahaa, hase yeeshee
Waxa uu caadaystay inuu naga qoro warar aan sal iyo raadtoona lahayn. Sida wadaado tababar ku qaata Burco agteeda, Sheekh Cali Warsame oo xamar tagay iyo qaar kale. Anigu waxan la hadlay ninka haysta wargayska, waxanan kula taliyay in uu naga joojiyo wararkaa an jirin ee u naga qorayo. Laakiin aniga ayuuba joornaalka igu soo qoray oo uu yidhi ninbaa noo hanjabay, umana hanjabin. Markaa taas ayaa nagu kaliftay in aan gubno joornaalka”sidaa waxa yidhi nin magiciisa ku sheegay Bashiir Cabdilaahi Aadan oo la sheegay inuu hormood u ahaa falkaasi.
Warku waxa uu intaa ku daray in taliyaha qaybta Boliska ee gobolka Togdheer uu tagay goobtaas joornaalka lagu gubay, isla-markaana waxa la sheegay in uu dadkii goobtaa joogay ku wargaliyay in ay amaanka ilaaliyaan. Balse warku ma sheegin talaabo kale oo arintaa laga qaaday.
JAWAABTA WARGEYSKA HAATUF:
Tifaftiraha Wargayska madaxa banaan ee Haatuf Axmed Cali Garas (Ma-qaloocshe), ayaa sheegay in nuqulo wargayska Haatuf ka mida ah lagu gubay magaalada Burco. Isla markaana ay falkaa ku kaceen 5 xubnood oo ka xun ayuu yidhi, “difaaca wargayska Haatuf uu wax kaga sheegayo dadka cadawga ku ah jiritaanka Somaliland”.
Tifaftiraha wargayska oo aanu xalay arrintaa wax ka waydiinay waxa uu sheegay in xubnahani marar hore ay ku hanjabeen inay gubayaan wargayska. “waxa ay ka dhabeeyeen shalay, markii ay Joornaalka Suuqa ka uruursadeen iyagoo meherado u dhiibtay lacag isla markaana iibsanayay, ku talo galkooduna ahaa in aanu wargaysku baahin” sidaa waxa yidhi tifaftire Axmed Cali Garas oo ka jawaabayay falkaa lagula kacay wargayskiisa.
Tifaftiruhu waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waa Shan xubnood oo la garanayo oo meherado iyo Iskuulo ay carruurta lacag dollar ah kaga urursadaan ku leh magaalada Burco. waxay ka cadhaysan yihiin oo wargayska u gubayaan muxuu qaranimada Somaliland u difacayaa ee cadawga dalka Soomaaliya kaga soo duulaya wax uga qorayaa, arrintaasina maaha mid wargaysku cidna uga habranayo, waanu difaacayaa dalka iyo dadkiisa. nuqulo wargayska ka mida oo la gubaana wax macno ah ma samaynayaan.”
Tifaftiruhu waxa uu intaa ku daray in gobol kasta ay joogaan dad tiro yar oo noocaas oo kale ahi. Hase-yeeshee ayuu yidhi, “bulsho waynta degan Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheerba xidhiidh fiican ayay la leeyihiin wargayska, lamana qabaan xubnaha falkan aan caadiga ahayn gaystay.”
Weriyeyaasha wargayska Haatuf waxay sheegeen in dhacdadan foosha xun ee ugubka ah ay la socodsiiyeen masuuliyiinta gobolka Togdheer. Isla markaana waxa ay sheegeen in Badhsaabka gobolka Togdheer. “ Cabdi Xuseen Dheere oo aanu xalay wax ka waydiinay sababta uu wax uga qaban waayay arrintani waxa uu noo sheegay inaanu la socon. Hase ahaatee, waxaanu qabnaa in uu ogaa.
Waayo falku waxa uu ahaa mid magaalada burco si wayn looga wada warhayay, laakiin masuuliyiinta gobolka Togdheer wax talaabo ah ilaa hada kamay qaadin.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah qorayaasha sar-sare ee wargayska Haatuf oo xalay u waramayay Ogaal.






