October 13, 2006

Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Magaalada Boorama, Ayaa geystay dhimasho iyo dhaawacba.

Maxamed Cumar, (Harowo) = Boorama, Oct.13-06—Ugu yaraan  laba qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaadhi xamuul ahi maanta dulmaray xaafad ku taalla bariga magaalada Boorama. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay oo dhammaantood loola cararay cisbitaalka Boorama, taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinku, ayaa haatan baadhaya sida shilkani u dhacay.                   

Wararka qaarkood ayaa sheegeya in wiil dhallinyaro ah, oo la yidhaa Haarruun Cige oo gaadhiga shilka galay waday uu kantaroolka gaadhigu ka lumay markii uu gaadhigu kala soo fakaday meel taag ah oo ku taal bariga magaalada Boorama.

Wuxay wararku intaa ku daryaan in uu gaadhigu dul maray guri yar oo jiingad ah, oo ay ku jireen qoys ka mid ah dadka xaafaddaasi deggen, halkaana uu ku dilay laba qof, inta kalena uu ku dhaawacay intii aanu gaadhigu iskii u joogsan.                   

Ninka gaadhiga waday ayaa la sheegeyaa inuu ka baxsaday gacanta Booliska, waxaase haatan u xidhan xubin ka mid waalidiintiisii. Booliska Boorama, ayaa baadigoob ugu jiro sidii loosoo qaban lahaa wiilkaasi. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, ayaa la sheegeyaa inay isugu jiraan carruur iyo dhallinyaraba. Gaadhigaasi waxa uu ahaa nooca xamuulka lambarkiisuna  waxa uu ahaa 23353 s/land