October 13, 2006
Shan Askari Ayaa Jooga Degmada Lughaya ” Taliyaha Boliska degmada !
Hashim Goth, Harowo = Lughaya, 11 Oct. Taliyaha Ciidan Nabadgelyada ee degmada Lughaya Cilmi Yuusuf Waadhawr ayaa u sheegay weriyaha Hashim Sh, Cumar oo kula kulmay Lughaya in degmada lughaya ay joogaan 5 Askari oo Boolis ah ayna kala yihiin laba Taarwade, Laba Baadhe iyo naafo, wuxuu intaas ku daray in weliba kala joogaan, 2 Askari Garbadadar, 2 Askari Lughaya iyo Askari Jooga Farsaxidhka.
Taliye Cilmi wuxuu intaas ku daray in degmada baxaadaas leh aysan 5 Askari waxba ka qaban karin oo ay dhibaato ka haysato, malihin ayuu yidhi talie cilmi Wax gaadiid ah oo aan ku gaadhno tuulooyinka iyo magaalooyinka kale ee degmada iyo Guud ahaanba G/Awdal.
Maamulka Gobolka Awdal iyo ka Somalilandba waxaad moodaa in aysan ka warqabin xaaladaha ka jira degmooyin hoos yimaad iyo dadka dhulkaas ku dhaqanba, waxayna taasi muujinaysaa masuuliayad darada wadanka ku habsatay, Saxaafada madaxa banaan waxay Daboolka ka qaadi doonta isla markaana daah fur ku samayna doontaa wax walba oo ka jira G/Awdal iyo meelo badan oo ay dhibaato Bani Aadanimo ka jirto. waxay weliba dadka u cadayn doontaa sida dadka wax loogu qabtay iyo sida loo iloobay, warbixinaha Degmada Lugahayna weli way dambeeyaan ee kala soco harowo.com
Taliyaha Ciidan Nabadgelyada ee degmada Lughaya Cilmi Yuusuf Waadhawr
Saldhiga Booliska ee Magaalada Lughaya
Wariye: Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com






