October 11, 2006
G/degaanka Boorama, Oo Maanta ka dooday Wax-ka-beddelka Cashuurta Ardiyada iyo Xakamaynta Xafiisyada Nootaayada.
Maxamed Cumar, (Harowo) = Boorama, Oct 11-06–Golaha degaanka Boorama, ayaa fadhigiisii caadiga ahaa ee saaka, kaga dooday waxkabeddelka nidaamka cashuuraha loo yaqaan ardiyadda iyo sidii wax looga qabana lahaa xafiisyada nootaayooyinka Boorama oo ay ku sheegeen in ay noqdeen dawlad ka hoos samaysan dawladda Hoose.
Warbixin ku saabsan cashuuraha oo ahayd ajendadaha koowaad, ayuu xoghayaha Dawladda Hoose C/risaaq Cali Cusmaan, kaga warramay hoos u dhac la filayo in ay ku timaado daklhliga Dawladda Hoose, hoos u dhacaa oo ay sabab u tahay cashuurta loo yaqaan ardiyadda.
Xoghayuhu wuxuu ku tilmaamay qaabka ay Dawlada Hoose hadda u ururuso cashuuarta ardiyadu, keeni karto nabadgelyo darro. Ciddii ku bixin weyda wakhtiga loo cayimay cashuurtaasi, waxa laga soo fujiyaa albaabka guriga, mararka qaarkoodna quful ayaa lagu jabiyaa. Waxaan intaa u dheer in la ganaaxo.
Taas ayuu xoghayuhu sheegay, in ay keentay cadho iyo gacanka hadal dadweynuhu kula kacaan shaqaalaha cashuurta ururiya, sidaa darteedna loo baahanyahay in qofka cashuurtaasi ku bixinwaaya wakhtigii loogu talo galay, sharciga lala tiigsado.
Ajendaha labaad ee uu G/degaanku welwel saaka ka muujiyey ayaa ahayd sida xafiisyada nootaayooyinka Boorama u shaqeeyaan ama u kala wareejiyaan hantida dadweynaha. Taas oo uu goluhu ku tilmaamay in nootaayooyinku kala wareejiyaan dhul ama hanti maguurto ah, oo aanay si fiican u hubsan mulkiilayaasha sheeganaaya in ay sharci u haystaan. Wuxuu G/degaanku soo jeediyey in xafiisyada sameeya Nootaayadu, kala wareejin mulkiga dhul aan soo marin dawlada hoose.
Ajende saddexaad oo xasaasi ahaa, ayaan la ogeyn in goluhu meelmariyey in kale, ajendahaas oo ku saabsanaa dhul ku yaal Seeraha Boorama, oo ay ku sheeganayaan laba ka mid ah dhakhaatirta Boorama. Maamulka dawlada hoose iyo maamulka gobolka oo iskaashana, ayaa dhawaan joojiyey, dhisma dhakhtar gaar ah oo la hirgelinlahaa goobta ay labada dhakhtar sheeganyaan.
Dhakhaatirtan oo ku hawllan galaangal ay ku xodxodanayaan hoggaanka sare ee S/Land iyo maamulka deegaankuba, in ay u ogolaadaan dhismaha Seeraha Booram, ayaa waxay wararku intaa ku darayaan in aanan lagala tashan wasaarada caafimaadka ee S/land iyo maamulka caafimaadka ee gobolkaba.
Wariye: Maxamed Cumar-Hyena moshimu@hotmail.com






