October 10, 2006

Kalawle: Ceelka Biyaha Ee Magaalada Lughaya.

Hashim Goth, (Harowo) = Lughaya, Oct. 10-06– Magaalada lughaya waa magaalo ku taal xeebta G/Awdal oo taariikhi ah, waa deegaan cimalada wakhtigan aad u fiican, dhulka waxa aad u degen dad xoolo dhaqato ah, balse dadka degen magaalada waxay noloshoodu ku xidhan tahay dhaqaale dadkoodu uga soo diro Qurbaha iyo Djibouti.

Dhinaca Biyaha waxa maagalada u sameeyay biyo gelin Hayada DRC oo mashaariic ka wada degmada mudo sadex sano ah, biyaha ayay hayadu uga soo qaaday tuulada Kalawle oo 18Km u jirta Magaalada Lughaya, dhuunta biyaha soo qaada ayaa sii marta banka u dhexeeya lughaya iyo kalawle.

Kalawle waa tuulo uu ku yaal ceelka Riiga ah, waxaana ka caba magaalada lughaya iyo deegaan aad u faro badan oo iskugu jira xoolo dhaqato Geelay iyo Adhiile ah.

                                   Ceelka Biyaha looga dhaansho Mgaalada Lughaya oo ku yaal tuulada Kalawle

Wariye:  Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com