October 2, 2006

Badheedhaha Wargeyska Haatuf: Sawirada La Macmalay Iyo Tabaha Cadowga Somaliland

Haatuf News

Sheekada sawirada la macmalay ee dadweynaha looga dhigayo jidh-dil lagu samaynayo ninka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Sheekh Ismaaciil ee lagu baahiyay godka Internet-ka ee www.hawdiyonugal.com iyo sidii dadka qaar arrintaas u rumaysteen ama sida xun uga faa’iidaysteen, waxay ku tusaysaa sida sahlan ee dadweynaha reer Somaliland loo jiho-habaabin karo, cadowguna u adeegsan karo haddii aan si joogto ah dadka loola socodsiin kolba siday wax u jiraan.

Horta waa marka hore’e, haddii aynu sawiradan ay dadka qaar la dhuslaynayeen hoos u eegno, waxa inoo muuqanaysa in loogu talo-galay inay dadka u muujiyaan jidh-dil lagu samaynayo ninka ku xidhan jeelka Hargeysa ee Maxamed Ismaaciil. Laakiin dadkii sawiradan samaynayay waxaanay kaba fakirin sidii ay beentoodu uga sii socon lahayd, kuwii rumaystayna waaba qaar ka sii liita, waayo, xaaladaha sawiradani ay xaqiiqada kaga horimanayaan waxa ka mid ah oo la isweydiin karaa sidee bay ku dhacday in askar nin jidh-dilaysaa ay si macaan kamarad isaga soo duubaan iyaga oo ku guda-jira falalkii ay samaynayeen ee jidh-dilka ahaa?

Sawirada qudhooda haddii aynu eegno waxay ka kooban yihiin muuqaal nin macawis xidhan oo gacmo rikoodho sitaa hareeraha ka xigaan sidii oo aad moodo weriyeyaal fagaare ninka maxbuuska ah ku waraysanayaan. Waxaana la ogyahay in qofkasta oo kombuyuutarka wax ka yaqaana siiba barnaamijyada la yidhaahdo Photoshop, uu awoodi karo inuu sawir nin macawis xidhan gacmo iyo waxyaabo kaleba uu dul saar-saaro.Waxa kale oo la ogyahay in kombuyuutarka sawirada lagu jarjari karo oo la isugu geyn geyn karo kur iyo jidh kala kaan ah.

Waxa kale oo sawirada ku jira mid ay ula jeedaan in ninka maxbuuska ah laydh la qabadsiinayo. Haddana sawirkani wuxuu muujinayaa ninkii macawista xidhnaa oo laba gacmood midina laydhka ku dhajinayso ta kalena ay madaxiisa hayso. Kolkaas xageebay ka dhacdaa in qof laydh lagu hayo uu ruux kalena madaxiisa taabanayo oo laydhkuna aanu dhex marayn. Mida kale sawiradan kama muuqdaan wejiyada dadkii wax jidh-dilayey iyo cagahoodii midna.

Sidaas darteed cajaladan iyo sawiradan lala shir yimid maaha wax ka duwan kuwii ay ciyaalku kumbuyuutarada yaqaannaa ku ciyaari jireen. Sawiradan waxa lagu hoos xardhay qoraalo qaawan oo loola jeedo in dadka reer Somaliland ay danaha cadowga isaga jiboodaan iyadoo laga dhaadhicinayo Sheekh culimaa’udiin ah ayaa la jidh-dilay. Ereyadaasi haddii aynu mid ka mid ah soo qaadano wuxuu odhanayaa; “Dheehdow, raggan ahlu diinka ah xukuumadda Hargeysa wadadooda ma u banyan doonaan?”.

Haddaba ninkan loo garaangarayow miyaanad ahayn eedaysane u xidhan fal dambiyeed argagixiso ah oo loola jeeday in lagu mijo-xaabiyo nabadda iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland? Ujeedada cajaladdan macmalka ah loo sameeyay waxay ahayd in ninkan maxbuuska ah ee aan wali ka daw-bixin kiiska weyn ee loo haysto, in waliba isaga laga dhigo dulmane Somaliland ka gar-daran tahay.

Su’aashu waxay tahay goorma ayay dadka u guntaday cadaawadda iyo burburinta Somaliland noqdeen kuwo loo mudaaharaado oo waliba iyagu noqda muduci, Somaliland-na noqoto muduci calay. Sahlanaa sida dadka reer Somaliland cadowgoodu xaqiiqada uga habaabin karaa! Iyada oo maxbuuskan iyo aabihiiba la ogyahay waxyaabihii shacbiga reer Somaliland soo kala dhexmaray xilligii halgankii SNM, may ahayn dadkan oo aan utumihii hore ka aarsan, nabaro dambe maanta loogu darro oo sida nacasyada lagu soo noqnoqdo.

Source: Haatuf News