September 23, 2006

Magaalada Boorama oo Beri Sabtida Soon ah

Hashim Goth, Harowo (Borama) 22 Sep. Caawa ayaa lagaga dhawaaqay Magaalada Boorama in ay Soon tahay Beri Sabtida, inkasta oo aan la arag Bishii Soon Bilashadeeda, Balse waxaa lagu baarugay markii la arkay Masaajidada qaarkood oo tukanaya Salaadii Taraawiixda ahayd,

Wakhti yar ka dibna Wadaad ayaa ka hadlay makarafoonka Masaajidka Harawa, wuxuuna sheegay in wadamada Khaliijka laga Arkay Bishii, sidaana waxa sheegay ayuu yidhi Wadaadku telefishanada, sidaas darteed mar hadii laga soomayao wadamadii Islaamka waxa inagana inagu waajib ah in aan Soono ayuu Sheekha ka hadlay Masaajidkaas.

Bisha Shabcaan ayaa beri lagu waday in ay tahay 30, dadka badankooduna waxay u haysteen in la soomayo maalinta Axada ah.

Magaalada Hargaysa ayaa la ii sheegay in aanay ogayn Soonka beri cid bishii aragtayna jirin, Xukuumada Somaliland ayaan iyadna sii sheegin maalinta Soonku ku beegan yahay, waxaana dhici karta in hadii wadanku mar wada soomi waayo in aan marna la wada ciidi doonin.

Hashim Goth    hashimgoth@hotmail.com

Login