September 20, 2006
Madaxa Hay’ada UNHCR ee Arfika oo Shalay Dalka Yimi
Hargeisa (Jam) – Agaasimaha Xafiiska u qaabilsan hay’adda Qaxootiga UNHCR ee Magaalada Geneva, MS Marjon Kamara, ayaa booqasho laba maalmood oo rasmi ah kutimid magaalada Hargeysa. Waxana ay ka soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport, shalay gelinkii dambe. Waxana halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta iyo Dib-u-dejinta, Mr. Cali Ibraahim Maxamed iyo Abshir Axmed Xasan.
Waraysi kooban oo aanu kula yeelanay qolka VIP-ga ee Madaarka Hargeysa,waxa ay Madam Kamara sheegtay in ujeedada socdaalkeedu yahay sidii ay xogogaal ugu noqon lahayd hawlaha iyo mashaariicda hay’addu ka waddo dalka Somaliland iyo in ay la kulanto madax ka tirsan Xukuumadda Somaliland, oo ay kala arrinsato sida wax loogu qaban lahaa dadka dalka gudihiisa ku barakaca iyo qaxoontigaba.
Madam Kamara oo ka jawaabaysa waxyaabaha ay hay’adda UNHCR ugu talogashay in ay u qabato qaxootiga kumaankunka ah ee ka soo galay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo dadka dalka gudihiisa ku barakacay. Waxa ay tidhi; "Hay’addu dowladda Somaliland hore ayay arrimahan gacan ka siin jirtay. Socdaalkayganina waxa uu la xidhiidhaa sidii aan wadatashi ula samayn lahayn dowladda Somaliland sidii aan wax ugu qaban lahayn dadkaa qaxootiga ah ee dalka ku sugan iyo kuwa barakacayba."
Waxa kale oo wax laga weydiiyay waxyaabaha xafiiska ay madaxda u tahay uu ugu talogalay inuu ka qabto dadka afrikaanka ah ee dhibaatadu ka haysato goobaha ay ka kicitimaan socdaalkooda Badda iyo goobaha hadafkooda gaadhsiineed uu yahay ee Qaaradda Yurub, waxana ay tidhi; "Kuma tilmaami karno dadkaasi in ay yihiin dad qaxooti ah.
Waxa lagu magacaabi karaa in ay yihiin dad haajiray oo doonaya in ay helaan nolol dhaanta ta ay Afrika ku haysteen, hase ahaatee, hay’addu waxa ay ugu talogashay in ay baadho oo ay sugto kuwa dhab ahaan qaxootiga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah kuna dedaasho sida kuwa qaxootiga ahi ay u degi lahaayeen Yurub kuwa kalena loo soo celin lahaa."
Source: Jamhuuriya Online







