September 17, 2006
Warbixin: Xaalada Guud Ee Degmada Saylac
Hashim Goth, Harowo (Saylac)–15-Sep. Safar uu ugu baxay weriye Hashim Goth dhanka Degmada Saylac ayuu kaga waramayaa waxyaabhiii halkaas uu kula soo kulmay, wuxuuna ku bilaabayaa warbixin uu siiyay gudoomiyaha degmada Saylac.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee saylac Maxamed Cumar Xadi(Cawad) ayaa sheegay in golohooda deegaanku ay wadaan dadaal badan oo ay wax kaga qabanayaan Dooxa Tokhoshi oo ah mid halis ku hayay magaalada Saylac, halkaas oo baduna ku soo Caarido, Gudoomiyu wuxu yidh goobtaas Tokhoshi waxaan u dirnay Cagaf ay leedahay Degmadu oo shiidaalka ay naga caawiso Hayada DRC.
Dhinaca kale wuxuu Gudoomiyuhu xadhiga ka jaray maalinimadii Isniinta ee Todobaadkan xafiisyo ay leeyihiin maamulka degmadu oo ay dhistay D/hoose ee degmada Saylac, dhamaanba kharashka ku baxay waxaa bixisay Degmada.
Gudoomiye Cawad wuxuu intaas ku daray in ku talo galkoodu yahay sanadka soo socda sidii ay u dayactiri lahaayeen Guri weyn oo Berigii Maamulka Ingiriiska la dhisay, ahaana xarunta maamulka wakhtiyadii gumaysiga iyo Xukuumadihii ka dambeeyay, girigaas oo la dhisay 1900 markay taariikhdu ahayd, Waxaan isku dayaynaa ayuu yidhi Gudoomiye Cawad in aan dayactirno isla markaana in lanaga caawiyo waydiisano Hayadaha ka shaqeeya degmada iyo Xukuumada Dhexeba.
Waxa kale oo gudoomiye Cawad ii sheegay in ay rabaan in dib u dhis ku sameeyaan Masaajidkii Qiblataynka oo hada dunsan, Masaajidka ayaa ah goobaha Taariikhiga ah ee baaba’ay.
Dakada Degmada Saylac ayaa ah mid aanay waxba ka soo degin oo xidhan, Shiidaal ka iman jiray Yaman oo lagala soo degi jirayna waxaa joojay Xukuumada Dhexe, taasina waxay keentay in nolosha shacabka deegaanka ay ku keento dhibaato dhinaca Nolosha ah.
Kastamka Magaalada Saylac ayaa ahaa mid shaqaynayay oo Baabuur Huudhaydh ka keenta Jibouti lagu cashuurayay, dad ka mid ah shacabka reer Saylac ayaa ii sheegay in Bagaashka oo beryahan dambe soo mari jiray Saylac kana iman jiray Jabuuti hada Cashuurtii lagu kordhiyay oo uu joogsaday, Xaamud C/laahi oo ka mid ah Ganacsatada Saylac ayaa ii xaqiijay in carqalada Wasaarada Maaliyadu dhib ku tahay dadka reer Saylac, dhaqdhaqaaqiina la iska hortaagayo ma garan karno ayuu yidhi Ganacsade Xaamud in xeebaha Awdal la xidhayo iyo in kale.
Magaaladaha gudaheedaha ayaa waxa ka furan meherado aan badnayn oo nooc walba leh, habeenkii ayaa waxaad maqlaysaa guuxa Ijiinada yaryar ee Laydhka oo meherad walba gaarkeeda u leedahay mid u shidma, ma waydiin sababta ay u shidan waayeen hal Mashiin oo u baxa Magaalada Saylac.
Qaadiga magaalada Saylac Sh, Ibraahim ayaa wuxuu ii sheegay in uu ku jiro dhismo ay siiyeen D/hoose dhismahaas oo u baahan dayactir in lagu sameeyo, wuxuu sheekhu i tusay in xaga dambe uu ka dunsanyahay isla markaana u baahan yahay in loo dhiso degmada Xafiis Maxkamadeed oo Qaadigu fadhiisto.
Gudoomiya Golaha Degaanka Saylac Mr. Maxamed Cumar Xadi (Cawad)
Dekadda magaalada Saylac oo arkayso in dhayactir badan u baahan
Gurigan oo waayo qaarkood ahaa meel uu ku raaxaysto maamulaha degmadu, ayaad aragtaa sida uu maanta u dayacanyahay.
Qaadiga Degmada Saylac, Sheekh Ibraahim oo hor jooga xafiiskiisa
Wixii ka hadhay masaajidkii caanka ahaa ee la odhan jiray Qiblateen
Waa Masaajid qadiimi ah oo lagu qiyaasay in la dhisay qarnigii 16naad
Awr daaqaya geedaha badda ka baxa ee loo yaqaan (Takhayda)
Cawsha banka Giriyaad (Giriyaad ooman gabal kuugu dhac)
Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com

