September 17, 2006
Heblaayo Dacar Oo Waraysi La yeelatay Madaxweyne Rayaale
Waxaan xalay seexday aniga oo qalbigu iga xanuunayo warbixintii Madaxweynuhu ka bixiyay safarkiisii. Dabadeed markii aan gam’ay ayaan ku riyooday aniga oo Madaxweynaha horfadhiya oo waraysanaya….
Heblaayo Cacar: Su’aashii u horaysay ee aan weydiiyay waxay ahayd: Madaxweyne muddadii aad maqnayd iyo warkii aad ka bixisay isma lahayn ee Ayeeyo si mug leh iigu waran oo waxa qarsoon ii sheeg?
Madaxweynuhu sidii uu Saxaafadda u xuubsanayay iilama hadlin ee waxa uu si degan iigu yidhi, “Ayeeyo khayr badan ayaan qariyey oo aan is leeyahay yaanay KULMIYE kuu weydaaran ee wax kale oo dhibaato ahi ma jiraan. Arrimuhuna waxay u badan yihiin Diblomaasiyad oo faah-faahin kuma fiicna.”
Heblaayo Dacar: Waxa kale oo aan weydiiyay: Maxaad Weriyayaasha su’aalaha ku weydiinayay sida cadhada leh ugu jawaabaysay?
Waxaanu yidhi, “Ayeeyo nimanku saxaafad-na maahe waa Mucaarad sawaaban: qaar waa Siilaanyo, kuwo waa Ina Cali Waraabe, Qaar kale waa Gaboose, qaar waa Ina Xaashi iyo qaar Baarlamaankan aanu afgaran la’nahay ah. Ayeeyo intaas oo ku soo hor fadhiistay haddii aanad hiifin sideed u qancin lahayd?!!
Heblaayo Dacar: Waxa kale oo aan ku idhi Ayeeyo waxaa la lahaa Diblimaasiyadii Somaliland way dhimataye, maxaa ka jira?
Inta uu odaygii si qumaatiya iigu soo sara fadhiistay ayuu I yidhi, “Horta adigu miyyaad arkaysay meel lagu aasayo?. Waxaasi waa wax aan sal iyo raadtoona lahayn ee ha laga waantoobo ayyaan leeyahay”
Heblaayo dacar: Aniga oo afka gacanta saaray ayaan haddana waxaan weydiiyay, horta maalintii dhawayd maxaad noogu goysay ilayn aniga iyo Sheekh Axmed Yaasiin ayaa madaarka ku soo lug go’naye?
Waxaanu yidhi, “Ayeeyo sababta aan idiinku gooyay ma sheegayo ee waxa jawaabtaas ku fiican labada nin ee muqarribiintayda ah ee ila socday.”
Heblaayo Dacar: Ugu dambayntii ayaa waxaan ku idhi, Madaxweyne ma bilaa dhiig baad tahay ninkan Cadde Muuse ee Laascaanood inaga haystay siduu Buuhoodle u soo hawaystaa inuu yimaado?!! Siday arrintaasi ku dhacday?
Waxaanu iigu jawaabay, “Ayeeyo adigaan ku weydiiyee horta miyaad aragtay meel dhiigga la igaga qaadayo. Teeda kale inaan dhiig leeyahay iyo in kale waad ogaan doontaa haddii uu yimaado oo uu nabad qab kaga noqdo.
Halkaas markii ay maraysay ayay hurdadii iga booday oo aan dabadeed u kacay Salaatu Laylkii.
Source: Geeska Afrika






