September 15, 2006
Kacdoonkii Labaad Ee Jaaliyada Reer Awdal Ee Magaalada Washington DC, USA
Cabdiwahaab Cilmi Boqoreh, guddoomiyaha Jaaliyadda Washington DC.
Ahmed Sh. Farah, (Harowo.com.)– Washington DC—Waxa dhawaan boodhka laga tumay oo dib u soo noolaatay Jaaliyadda Reer Awdal ee ku nool agagaarka magaalada Washington DC, Jaaliyaddaas oo aad hoos ugu dhacday ka dib markii ay guddan weyday xilkeedii taariikhiga ahaa, in ku dhow 15 sano. Jaaliyaddan oo ka kooban caasimada Maraykanka Washington DC iyo labada gobol ee Virginia iyo Maryland oo la isku yidhaa (Washington Metropolitan Area.)
Jaaliyaddan oo ah tan ugu da’da weyn Jaaliyadaha reer Awdal ee ka jira Waqooyiga America, isla markaana ahayd tan ugu firfircoon xaga siyaasadda, dhaqaalaha iyo isku tiirsanaanta, aayaa waxa dhacday in ayna muddo dheer iskugu iman wax wada tashi ah oo ku saabsan danaha gobolka ay ka soo jeedaan.
Dib u dhacan oo ka dhashay khilaaf siyaasadeed oo ku salaysnaa ururkii la odhan jiray SDA ee qurbajooga Awdal iyo arrimo la xidhiidha Somaliland, ayaa ahayd sabobaha ugu waaweyn ee keenay in kaalinta Jaaliyaddani kaga jirtay baraarujinta qorbajooga Awdal ay hoos u dhacdo.
Jaaliyaddan oo ahayd xuduntii dhalisay fikirkii lagu aas-aasay ururkii la odhan jiray SDA ( Somali Democratic Alliance), ururkaas oo loogu talagalay in hormood uu ka noqdo himilada siyaasadeed ee dadweynaha ku dhaqan G/Awdal. Waxa kale oo ay Jaaliyadani qayb xoog leh ka qaadatay taakulaynta iyo gargaarka qaxootigii Awdal ee u soo tahriibay Waqooyiga Amerika.
Waxa laba kaclaynta cusub ee magaalada Washington DC dhaliyey markii ay soo degeen dhalinyar cusub oo farabadan, kuwaasi oo aanay saameynin waxyaabihii hore ee khilaafka dhaliyey. Dhaliyartaas oo la timid firfircooni iyo hawkarnimo ku wajahan hor u marinta gobolka iyo bulshada Awdal. Hadaba, taasi waxay suurto galisay in ay dib u kulmaan xubnaha Jaaliyaddu, iyaga oo ka midaysan baahida loo qabo in Jaaliyaddu dib isku habayso, meella looga soo wada jeesto danaha guud ee gobolka.






