September 11, 2006

Shir Lagu Midaynayo Jaaliyadaha Reer Awdal ee Waqooyiga Ameerika Oo Ka Dhacay Magaaladad Washington DC.

Ahmed Sh. Farah, (Harowo.com) = Washington DC–Jaaliyadda Reer Awdal ee Waqooyiga America ee ku sugan shirka horumarinta iyo agoonraadiska S/Land ee ka socda Washington DC oo si gaar ah isku arkay, si ay uga wada hadlaan xaalada guud ee S/Land iyo tan G/Awdal. Shirkaas oo ka dhacay huteel ku yaal falls Church Virginia oo aan ka fogayn goobta shirweynuhu ka socday, ayaa waxa si laxaadle loogu falanqeeyey baahida kale gedisan ee ka jirta G/Awdal iyo guud ahhanba xaalada dalka S/land.

Shirkan oo ay soo qabaqaabiyeen Jaaliyadda Awdal ee Baltimore iyo Washington DC oo uu horkacayo Abdiwaab Yare, ayaa soo jeediyey in laga faa’iidasto fursadan, la isna arko, dadka shirweynha ka soo qayb galayna is bartaan, kana wada hadlaan sidii ay waxtar uga geysan lahaayeen baahida ka jirta gobolka.                                                                                                                                                                  

Jaaliyada Awdal ee ka timid Minnesota oo u badnaa dad aqoon iyo waayo aragnimo dheeraad ah leh, ayaa markiiba qaatay mudnaanta shirka, waxaana si tifaftiran looga dooday xaalada siyaasadeed, daqaale iyo waxbarasho ee ka taagan gobolka. Dhamaanba dakii halkaa ka hadlay waxay tibaaxeen baahida loo qabo in la sameeyo dalad guud oo xidhiidhisa Jaaliyadaha reer Awdal ee ka jira Waqooyiga America.

Waa markii ugu horaysay ee dad ka socda Jaaliyadaha  reer Awdal ee Waqqoyiga America ay meel ku kulmaan in ka badan 15 sano. Ugu dembayntii waxa la isla afgartay in gudi joogto ah loo saaro sidi ay uga shaqayn lahayd in la isku xidho jaaliyadaha kala duwani in ay kaashadaan.