September 6, 2006
Boorama: Will Yar Oo dhintay Ka Dib Markii Uu Qabsaday Dabka Laydhtriiga.
Maxamed Cumar, ( Harowo.com) = Boorama–Sept. 6– wiil yar oo saddex jir ah ayaa maanta geeriyooday kaddib markii uu qabsaday dabka laydhtiriigga meel ku dhaw saldhigga Booliska Boorama. Wiilkaasi yar oo magaciisa la odhan jiray maxamed Cismaan Jaamac, ayaa waxa uu ku ciyaarayey meel uu dhaw gurigooda, meeshaas oo xadhig sida dabka laydhtiriigga ku soo go’ay.
Taliyaha C.I.Dda gobolka Awdal Daahir Bulaale oo gacantana ku haya baadhista siduu wiilkaas yari u dhintay, ayaa ii sheegay "wax walba horta waxay ku dhacaan qaddarka Ilaahay, tanina waa qaddar Ilaahay. Saaka 9.30kii ayaa willkaasi yar waxa dilay xadhig lahaa dabka laydhtiriigga oo ay leeyihiin qaar ka mid ah shirkadaha laydhtiriigga ee Boorama."
Taliyihu wuxa intaa raaciyey "Waxa na loo sheegay in xadhigaasi uu gooyey gaadhi hoos marayey oo kuwa xamuul qaada ah, gaadhigaasi ilaa hadda gacanta kuma haynno, haybtiisa iyo sida uu u gooyey xadhkahaasna ma hayno. Shaqaalaha shirkada korontadu waxay noo sheegeen iyaguna in xadhkaha dabka sida ay dusha sare ku xidhnaayeen, dhulkana uma dhaweyn. Sidaa darteedna weli waxa noo socota baadhsiti "
Ma aha markii ugu horreysay ee ay soo baxdo khatarta xadhkaha dabka laydhtiriigga ee ay leeyihiin shirkadaha laydhka ee Boorama, waxa dhawr jeer oo hore dhacday in xadhkaha dabka sida oo si qaabdaran loo xidhxidhay ay suuqayada xaafadaha Boorama ku galaaftaan nolosha dadweynaha. Ilaa hadana ma jiraan nidaam shirkadahaasi ku khasbaya inay xadhkahaasi dhulka hoostiisa mariyaan si anay u dhicin dhibaatadan oo kale.
Dhibaatada xadhkaha laydhtriiga ayaa waxa ay ugu darantahay wakhtigan oo roobab xoog lihi ka da’ayaan magaalada, dhulkuna qoyanayahay. Shirkadda TELCOM ee isgaadhsiinta Teleefanada oo kaliya ayaa iyadu isku hawshay inay xadhkaheeda qaada Telefoonka ay dhulka hoostiisa mariso.
Mohamed Omar Sh. Ibrahim–Hyena moshimu@hotmail.com






