August 29, 2006

Riyadii Heblaayo Dacar Iyo Maanta

Shalay ayaan tagay meel Xaawo iyo Faadumo ka jirtay oo ku taalay dacalka Koonfureed ee Hargeysa. Goor ay caways tahay markii aan ka imid Sitaadkii ayaan is duuduubay aniga oo aan Cishaa’iba tukan oo aan islahaa aad u kacdid….[/size]

Shalay ayaan tagay meel Xaawo iyo Faadumo ka jirtay oo ku taalay dacalka Koonfureed ee Hargeysa. Goor ay caways tahay markii aan ka imid Sitaadkii ayaan is duuduubay aniga oo aan Cishaa’iba tukan oo aan islahaa aad u kacdid.

Hase yeeshe waan suuray oo markii aan dhinac dhigayba bahal riyo ah oo macaan ayaan galay. Waxa la I tusay Dekadii Bullaxaar oo camiran oo la igu yidhi waa siday ahaan jirtay. Haddana waxa la I tusay siday hadda tahay oo ah gabaahiir. Inyar ka dib ayaa haddana waxa la I soo hormariyay Dekadii Berbera oo laga hayaamay.                                                                           

Ka dibna aniga oo dhabanka iyo gacanta isku haya ayaa nin agtayda marayay oo gaaban oo macawis uu kubka guudkiisageeyey xidhan weydiiyay waxa ku dhacay magaaladii qadiimka ahayd ee Berbera, waxaanu iigu jawaabay: Berbera waxa Sidaa u galay waa saddex arrimood:qolo ka guurtay markii magaalada laga sheegtay, dadna waxay ka carareen kulaylka iyo hanfiga xagaaga oo aanay haysan laydh tiriig iyo qolo uga carartay cashuur qaali ah.

Dabadeed intaan baraarugay ayaan is idhi bal eeg ninkan kula hadlaya mise waaba keligay. Yaabaye Allow sahal… Ciidamo malaa’iko. Intaan naxay ayaan ku idhi: oo Ayeeyo miyaanay qaramaysnayn? Isaga oo ila yaaban ayuu igu yidhi: Ayeeyo anigu qaramayna garan maaye, sidaasaan ku idhi.

Ninkii waxaan weydiiyay haddii dekadii sidan tahay tallo waa tii Allee ma jiraa wax xal ah oo la raadiyaa si dekedii iyo magaaladii loo aamino. Waxa uu yidhi Berbera waxay Berberadeedii ku soo noqon kartaa iyada oo sidii madaarka Hargeysa la qarameeyo.

Source: Geeska Afrika.