August 21, 2006
Mayarada Shan Magaalo Oo Somaliland Ah oo ka Qaybgalaya Shirka USA Ee Somaliland
Hashim Goth, (Harowo.com) = Boorama - 21 Aug— Maayarada shan magaalo oo Somaliland ah ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan Shirka SOPRI ay qaban qaabinayso ee ka dhici doona Washiton Bisha dambe ee Sebtambar, warkan oo aan ka helay ilo xogogaal ah, waxay sheegayaan in maayarada qaarkood ay tegeen maalmahan wadanka Djibouti, halkaas oo ay ka qaadan doonaan Visaha wadanka USA.
Shanta magaalo ayaa waxa ku jira Maayarka magaalada Boorama, oo isna la filayo in uu u baxo Djibouti Beri wixii ka dambeeya.
Qaar ka tirsan madaxda Axsaabta mucaaradka ayaa Todobaadkan ka soo noqday Djibouti sida la sheegayana waayay Visaha, madaxdaas Axsaabta Mucaaradka ayaa iyaga laftoodu filayay in ay tegaan shirkaas ka dhacaya USA, madaxda ku hungowday Djibouti ayaa waxa iyaguna ku jira Madaxda shirgudoonka Baarlamaanka.
Maayarada Hada u kucitimay Djibouti ayaan iyagana la garanayn in ay soo heli doonaan Visaha USA iyo in kale.








