August 15, 2006

Safarka M/weynaha ee shalay iyo wuxu sheegay

Hashim Goth, Harowo = Hargeysa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale kaahin iyo weftii u hogaaminayo ayaa shalay gelinkii danbe ka duulay  diyaaradaha ee  Magaalada Hargeysa, isagoo u sii jeeda Dalka Ethiopia, kadibna u sii dhaafidoona Ingiriiska, Jarmalka iyo Mareykanka.

Weftiga madaxweynaha waxa ku weheliayey wasiirada Arrimaha dibada C/laahi Maxamed Ducaale, Maaliyada Xuseen Cali Ducaal, Boosaha iyo isgaadhsiiinta Liibaan Ducaale Casayr, La taliyaha dhinaca dhaqaalaha Cumar ibraahim, iyo marwada koowaad Marwo Huda Barkhad Aadan

Intii aanu madaxweynuhu ka duulin Madaarka Hargaysa waxa shirjaraa’iid ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, kaas oo uu kaga hadlay arrimo dhowra oo ay ka mid tahay mowqifka Somaliland ee ku waajahan xaalada Geeska Afrika iyo mushar kordhintii shaqaalaha iyo ciidama iyo arrimo kale.

Mar uu madaxweynhu ka hadlayey u jeeda safarkiisa iyo cida uu la kulmidoono waxa uu yidhi “Safar rasmiyaa ayaan ugu baxayaa ingiriiska waxaana laga yaaba inaan meelo kalena u sii dhafno, leynama aqoonsan oo waad ogtihiin,waxaanan kawada hadlidoonaan wixii danaheena, waxay iyagu nayidhaahdaana wax ayaan ka odhandoonaa shirkan waxaan idiinku qabtay inaan idin wargeliyo safarkayga, arrimhii maalintii dhaweyd la isku tuurruurayey, inaan mowqifka xukuumada idiinka sheego”Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Rayaale inuu shirkii maalintii dhaweyd ay xisbiyada mucaridku qabteen inuu u arko wixii ay markii horeba akhriyi jireen, isagoo arrintaa kahadlayana waxa uu yidhi “ Maalmo dhaweyd waa kuwii xisbiyadu (KULMIYE iyo UCID) shirar qabtay, way fiicnaan lahayd inay talooyn fiican u jeediyaan (Dawlada), laakiin waxaan u arkayey inay wixii ay markii hore akhriyi jireen, akhriyeen, oo aanay wax cusub soo kordhin ayaan u arkaa”Ayuu yidhi Rayaale

Waxa uu Rayaale farta ku fiiqay inaanu mowqifka Somaliland ahayn kooxaha xamar ku loolamaya inaanay midna xidhiidh layeelan labada kooxood, isagoo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “maraan idiin sheego Dawlada Somaliland iyo waxyaabaha ka socda Geeska Afrika.

Dawlada Somaliland war ayay ka haysaa oo maalin iyo habeen way la socotaa, mawqifka Somaliland waxa weewyw inaanay kooxaha xamar ku loolamaya ,Maxaakiimta iyo Dawlada ku meel gaadhka, midna inaanay xidhiidh la yeelan,Somaliland waxa kaliya ee ay xidhidh la leeyan doontaa Dawlada ka soo baxda Koonfurta Soomaaliya, ee Somaliland aqoonsata ,taas ayuunbay xidhiidh walaatinimo layeelan doontaa .      

Laakiin kooxaha ay kala raacayso iyo magacaanta ay kala sheeganayaan midna ma dhex gali dooto,wadamada aynu jaarka nahay nabad ayaan ku kaa noolanaynaa Istaraatijiyadii aynu hore kula dhaqmaynay waxa iska badalay majiraan” ayuu yidhi Rayaale

Mat uu ka hdlayey musharkordhintii shaqaalaha yo ciidamada, wax hortagan ee loo fulinwayey 30% oo ay hore xukuumadu u balan qaaday, isagoo arrintaa ka hdlayana waxa uu yidhi “Beri dhaqeyd waa tii la lahaa maxaa ciidamada iyo shaaqalaha mushara loogu kordhinwaayey?

Horta dawladu way ku jiraa qorshahaas, ciidamada iyo shaaqalaha waa loo kordhindoona(mushaharka), laakiin waxay ku saleysnaanaysaa derejooyinkii iyo wx kordhaya (mushaharkii), ayaan isku wakhti ka dhigaynaa qorshaha xukuumadu waa sidaa”Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com