August 14, 2006

Maamulka Cusub Ee Boorama Oo Bilaabay Olole Hagaajinta Jidadka Magaalada

Maxamed Cumar (Harowo.com) = Boorama, Ogoost 13-06—Maamulka cusub ee Boorama ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii xilka loo dhiibay laba bilood ka hor, ayaa labadii casho ee ugu dambaysay ku mashquulsanaa sidii wax looga qaban lahaa jidadka magaalada Boorama dhex mara, kuwaas oo ay waxyeeleeyeen roobabkii ugu dambeeyey ee Boorama ka da’ayey toddobaadkan.

Hawshan oo ay saaka ka qaybqaateen tobannaan qof oo ka tirsan shaqaalaha dawladda hoose ee Boorama, qaar ka tirsan dadweynaha, xildhibeenada golaha deegaanka oo uu horkacayey maayarka cusub ee magaalada Cabdi Shide Bile.       

Hawshan saaka, oo ay ka qaybqaateen ciidanka nabadgelyada, gaar ahaana ciidanka CID’da oo uu u la socday taliye ku xigeenkoodu, ayaa lagu bannanayey jidka weyn ee mara badhtamaha magaalada. Jidadkaas oo dayactir la’aan iyo roobabku ay jarjareen isla markaana kelifay inay si dhib leh ku maraan dadweynaha iyo gaadiidiika magaalada dhexdeeda maraya.

Duqa Boorama oo an qorshaha hawshan u maamulkiisu ug talogalay wax ka weydiiyey ayaa waxuu yidhi hawshani waxay ahayd mid an maalmahan oo dhan ka wadnay magaalada, markaan aragnay runtii inay tahay mid u baahan in degdeg wax looga qabto.

Annagoo kaashanayna awooddayada, ayaa waxan ugu talagalay lacag gaadhaysa ilaa boqolmilyan iyo hal shilin soomaaliland ah inaan ku dhammaystirro, taasoo weliba an uga faaiideysanayno xoogga shaqaalaha dawladda Hoose oo gaadhaya ilaa 150 marka laga reebo inta ka shaqaysa dakhli ururinta.

"Lacagtaasi oo ah tii cashuuraha dadweynuhu ku bixiyeen ayaa waxa kale oo noo raaca iskaa wax u qabso ee dadweynuhu ku doonayaan inay wax nagala qabtaan adeegyada noocan oo kala kala ah ee wax ka taraya horumarka magaalada."

"Runtii wax badan ayaa noo hadhay, balse waxaan kaga gudbi karnaa dadweynaha oo wax nala qabta sida saakaba muuqata. "

"Dadweynaha Borama weligood waxay wax kusoo qabsan jireen iskaa wax qabso, maantana waxaan ka codsanaynaa inay banneeyaan jidadka ay ooteen iyo dhagxaanta ay ku urursadeen jidadka magaalada ka dhex mara, inta aanaan ka dawlad hoose ahaan ka ururin ama ku ganaaxin.'’