August 13, 2006
Warbixin: Saylac–Cabashada Kallumaysatada Iyo Burburka Goobaha Taariikhda Islaamka
Maxamed Cumar, (harowo.com)=Saylac–Magaalada Saylac, waa magaalada ka mid kuwa ugu da’da weyn leh, uguna taariikhda dheer gud ahaanba dhulka soomaalida gaar ahaan Soomaaliland . Saylac waa magaalo ka hadhay wakhtiyo dahab ahaa iyo kuwa madow oo ay soo martay.
Waxa kale oo ay ka hadhay quruumo kala duwan oo ilbaxnimo kala duwan lahaa, waxaa kale oo ay soo martay gumaysi iyo xorriyad, barwaaqo iyo fakhri, nabadgelyo iyo dagaallo iskuxigxigay. Saylac maanta waa magaalada ugu liidata magaalooyinka dalka uguna dadka yar leh.
Inkasta oo lagu tiriyo magaalooyinkii diinta islaamku kasoo gashay soomaalida, ama geeska frika sida ay sheegaan taariikhyanadu, waana meesha an maanta lahayn masaajid roobabka iyo dabaylaha siigada kulul wata ka celiya dadka ku tukanaya. Waana meel nolosheedu ku xidhantahay badda mana laha wado hagaagsan oo loosoo maro.
Waxay ahayd maanta ama wakhtigan la joogo meeshii uu madaxweyne rayaale kasoo bilaabay ololihiisa dhinaca jagada madaxweynenimada ee uu maanta haysto ,kamana muuqdaan ballamihii,daryeelkii ,jidadkii iyo noloshii uu waagaasi ugu ballanqaaday reer Saylac.
Inkastoo ay tahay meesha saddexaad ee xukuumadda rayaale ka hesho dakhliga cashuuraha,balse dakahligaasi kama muuqdo dadka tirada yar leh ee daaraha burburay kaga gabbanaya qorraxda xagaaga. Mar an dhawaanta magaaladaasi hawl u tegey ayaan la kulmay qaar ka mid ah dadka weli sii horfadhiya makhaayadaha ka samaysan looxaanta duugowday oo aas moodo inay shaqo an la ogeyn cid u diran doonta.
Markiise an dhex tegey waxay noqdeen dad noloshoodu ku xidhnayd badda Saylac kalluunkeeda oo ay u iibgeysan jireen dalka Jabuuti, balse loo sheegtay baddaasi loona diiday inay ku noolaadaan kalluunkaasi ka mid ah khayraadka ilaahay dhigay badda magaaladaasi.
Waraysi aan la yeeshay dakaasi qaarkood oo u badnaa odayaal da’ ah iyo dhallinyaro ayey ii sheegeen in fadhigoodu goobtaasi ay sababtay xukuumadda rayaale oo ka fadhiisisay doonyihii ay ku shaqaysan jireen oo dalka yaman laga lahaa, islamarkaana ay dawladda soomaaliland keensatay maraakiib waaweyn oo la yidhaa Jaarif, si naxariis darro ahna u xaalufiyanayaan kalluunka xeebta saylac.
Jaarifkaasoo ay sheegeen inuu mamnuuc ka yahay badaha caalamka. Oday kale ayaa ii sheegay in maanta ay ku jiraan go’doon, meel ay u bixi karaanna aanay jirin. Odaygaasi oo ka cudurdaartay in la magaacabo ayaa yidhi "baddii iyo berrigiiba waa nalaga xidhay, meel aan u qaxnana ma haysanno."
Dawladdii ayaa badda noo diidday shaqana kalena nooma hayso, waxa nalaga haystaa waa Hargeysa madaxda joogta. Ilaa boqol kalluumaysto yaryar ayaan nahay, sidaa uunbaan u fadhinaa wadada baabuurtu ka soo gasho, baddiinaa waadigaa arkaya, haddii an is nidhaahno badda kaluun u doonta wax kalluun ah kama hello oo waa la xaalufiyey.
Marar badan oo aan u tegnay madaxda dalka xukuntana wax jawaab ah oo na qanciya kama helin, sidaa darteed waxan leenahay "waar ha lanna arko waxaan kui noollahay"
Nin kale oo dhallinyaro ah ayaa isna yidhi "kolkaan waxan an qabanno weynay shaqana badda nalooga diiday, ayaan isku biimaynay jasiiradda Saacaddiin oo dhirtii ku taallay an xaabo, dhuxul iyo oodba ka dhiganay.”
Inkastoo haddaba aanay nolosha iyo dhibta ay sheeganyaan dadweynaha reer Saylac sida muuqata ay ka wada roontahay maamulka cusub ee magaaladaasi, waxase meesha ka maqan kaalintii dawladdu ku lahayd daryeelka iyo shaqosiinta dadkaasi.
Dhinaca kale culimada diinta ee magaalada Saylac ayaa qaarkood walaac ka muujisay burburka maalin kasta ku dhacaya goobihii caanka ku ahaa dhinaca diinta islaamka. Waxa maalin kasta dumaya dhismayaashii masaajidyada magaaladaasi weli kasii taagan ay ugu horreyo masaaajidka la yidhaa "Qiblatayn" ee ugu dadda weyn.
Cid magaaladaasi joogta oo itaal dhaqaale iyo mid farsamama u heli karta karta dibu hagaajinta goobaha diineed ee magaaladaasi iyo soomaalilandba taariikhda ku leh, iyadoo sida muuqata dadka magaaladaasi jooga isweydiinayaan ayaa u maqan Saylac.
Ugu dambayntiina waayaha Saylac ee wakhtigan xaadirka ah ayaa taariikh ahaan iyo dad ahaanba u baahan in la daba qabto waxa kasii hadhay goobahaasi diinta islaamka caanka ku ah ee muujinaya ilbanimada reer Awdal sheegtaan inay kasoo bilaabatay Saylacda maan.
.jpg)
Mohamed Omar Sh. Ibrahim-Hyena moshimu@hotmail.com

