August 13, 2006
Culimaa’udiin tageersan maxakiimta oo xabisga Boosaaso ladhigey
Boosaaso (Geeska Afrika Online & HAN) 13 August, 2006 -Labo Katirsan Culuma’udiinka reer Boosaaso Ayaa xabsiga lootaxaabay ila 11 dhalinyaro ahna Waa laga daba geeyey kadib markii ay isku dayeen wadaadaasi la xirey inay xabsiga si xoog Ah ugu siidayaan taasina ay ku guuleysan waayeen iyagiina ay xabisaga galeen.
Sababta keentay in xabsiga lootaxaabo wadaadaan ayaa lasheegey inay kadanbeysay Kagadaal markii ay muxadaro ku qabteen magaalada dhex deeda ayna shacabka kaga dalbadeen inay tageeran maxakiimta oo ku jihadaan ciidamada itoobiya oo bilihii u danbeyey faragalinta ku wadey dalka somalia qeybo kamid ah taasi oo aysan oo aysan ogoleyn maamulka Puntlnad.
Shacabka ku dhaqan Puntland ayaa intooda badan taageersan midowga maxkiimta islaamiga Ah balse inte kale iyo maamulka ayaa isku meel kataagan fikir ahaan maxakiimta oo aaminsan inay yihiin Maxakiimtu niman qabiil ah oo ku qaraabanayaa shaati diinta oo shaati ka dhigteen.
Maamulka Puntland ayaa iminka diyaar garow ugu jira sidey isu difaaci lahayeen hadii weerar kaga yimaado dhanka maxakiimta iyadoo gobolada Puntland oo dhan laga dareemaayo diyaar garow ciidan oo lagu jiro waxaan heegan lagaliyey ciidamada Puntland dhamaantood oo iminka xoogodii kusugan yahay magaalada Galkacayo madaxweynaha Puntlandna uu kusugan yahay halkaasi isagoo xiran direyska ciidanka una diyaar ah sidii uu u howl galin lahaa ciidanka.
Iidle Macalin Omar, Bosaso, Puntland, Somalia






