August 13, 2006

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Soo Kicitimay Washington DC

Hargeysa (Somaliland.Org)– Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka tirsan Saraakiisha hogaanka Xisbiga KULMIYE isla markaana ah Siyaasi weyn oo ruug caddaaya ayaa maanta wuxuu ka dhoofay Caasimadda Hargeysa isagoo usii jeeda dhinacaa Xarunta dalka Maraykanka ee Washington Dc oo uu kaga qayb gallaayo Shirka SOPRI oo ka dhacaaya horaanta bisha September Magaalada Washington DC.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo shirkaasi loogu casuumay si madaxa bannaan isla markaana aan isagu matalaynin sida uu u xaqiijiyey Somaliland.Org xisbiga KULMIYE oo la filaayo in Masuul ka tirsani uu usagana u kicitimo magaalada Washington DC ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo Madaxda shirkaasi hadalada ka jeedin doonta isla markaana kulanada la yeelan doonta Saraakiisha ka socda.

Waaxda Arrimaha Dibadda (State Dept) ee dalka Maraykanka oo iyagu shirkaasi ka soo qayb gallaya, waxaa la sheegaya inay shirkaasi iskugu iman doonaan Madaxweyne Rayaale iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka soo wada jeeda isla gobolka Awdal waana markii ugu horaysay muddo dheer oo labada dhinac ay iskugu yimaadaan shir caalami ah.

Source: Somaliland.org